Dowladda Federalka Ee Somaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay xeraddii General Gordan ee ay Dowladda Imaaraadku qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ku tababari jirtay.
Barnaamijka Dhacdooyinka ee Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Dawladda Federalka ee Somalia iyo ta Isu-tagga Imaaraadka Carabta
Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in loo baahan yahay in waddamada caalamku ay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17 ayaa 1-0 kaga badiyey xulka dalka Kenya ciyaar ka dhacday dalka Burundi oo ka tirsaneyd koobka bariga iyo bartamaha Afrika.
Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu doonayo inuu aqbalo casuumaad uu u fidiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si ay ugu kulmaan Washington.
Ku soo dhawaada Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, oo aanu ku eegi doono waxyaabaha keena in dalalka qaar ee Muslimiinta ah ay u wajahaan dhibaatooyinka la xiriira musuq-maasuqa.
Macallinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijiyey inuu shaqada ka tagi doono dhammaadka xilli cayaareedkan. Qoraal lasoo dhigay webka Arsenal ayuu Wenger ku yiri “Kadib markii aan si qoto dheer uga fakaray, islamarkaana kala hadlay kooxda, waxaan dareemayaa inay tahay waqtigii saxda inaan shaqada ka tago kadib dhammaadka xilli cayaareedka” “Waxaa ku fa […]
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in heshiiska dekedda Berbera ay xisbi ahaan u arkaan Qiyaano-qaran.
Golaha wasiirada cusub oo ka kooban 16 wasiir ayaa waxaa ku jira wasiiro hore oo xilal kale loo magacaabay, waxana ka mid ah wasiirkii hore ee macdanta, oo hadda laga dhigay wasiirka gaashaandhigga iyo wasiiro kale.
Miguel Diaz-Canel ayaa loo doortay madaxweynaha xiga ee Cuba, kaas oo noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Cuba ay yeelato muddo 60 sano ah, kana baxsan qoysaka reer Castro.
Laba toddobaad kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in dowladda Suuriya ay adeegsatay hubka kiimikada ayaa khubarada caalamiga ee ku takhasuusay baaritaanada hubka kiimikada waxaa ay gaareen magaaladii ay heysteen mucaaradka ee Douma.
Dawladda India ayaa meel marisay dhaqan gelinta ciqaabta dilka ah ee lagu fulinayo qof kasta oo lagu helo in uu faro xumeeyey ilmo ka yar laba iyo toban jir.
Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa ku hanjabay in dalkiisu diyaar u yahay in uu qaado talaabooyin la "filan karo iyo kuwo aan la malayn karin ba" hadii Maraykanku ka baxo heshiiskii nukliyeerka ee dhex maray Iran iyo quwadaha waaweyn.
Wasaaradda arimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in khubarada caalamiga ah ee hubka kiimikadu ay ugu dambayntii gaadheen goob ku taal dalka Suuriya oo la tuhunsanyahay in hub kiimika ah lagu riday.
Waraaqaha loo gudbiyay maxkamdda ayaa lagu eedeeyay in kooxdii ololaha ee Trump " ay si farxadi ku dheehan tahay u qaabishay caawimaadii Ruushka " si ay ugu guuleysato doorashada.
Baarlamaanka dalka Zimbabwe ayaa ka dalbaday madaxweynihii hore Robert Mugabe inuu hor yimaado, si uu u cadeeyo hadallo uu horey u sheegay oo ku saabsanaa in si weyn loo boobay xadi badan oo dhaymanka dalkaasi leeyahay ah.
Dowladda Kuuriyada waqooyi ayaa ku dhawaaqday inay si dhaqsi ah u hakineyso tijaabaada Nukleyrka iyo mida gantaalada, sidoo kalena ay albaabada isugu dhufaneyso xarunta tijaabada ee Nukleyrka.
Leave a Reply