Kulan lagu yeero isu taga Iran iyo Afrika ayaa maalintii shalay aheyd ka furmay magaala madaxda Iran ee Tehran
Kulankan oo ay ka Qeyb galayaan Madaxweynayaasha wadamada Malawi iyo Sinigal iyo wasiiro ka kala socday 30 wadan
Wasiirka arimaha dibada somaliya Yuusuf Xasan Ibraahin Yuusuf dheeg) oo shirkaasi somaliya umatalayay
Ayaa sheegay in shirka looga hadlay sidii ay Iran door uga qaadan laheyd xal uhelida Arrimaha soomaliya. Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Iiraan Maxamuud Axmadi Nejaad ayaa sheegay in ay Iran diyaar u tahay in ay wadamada Afrika la Qeybsato dhamaan
Khibradaha iyo awoodaha ay leedahay iyadoo aan wax shuruud ah ku xirin sida ay reer galbeedka sameeyaan Axmad Najad ayaa shirka ka horsheegay in ay Afrika iyo Iran la tacaalayaan dhibaatooyin isku mid ah kuwaasoo uu ku sheegay fara gelin Shisheeye iyo quursi sidaas daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in ay iskaashi weyn yeeshaan
Leave a Reply