• RSS Somali VOA

  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Shirweynihii 7-aad Ee Jaaliyadda Reer Hiiran & Midland Ayaa Shalay Ka Dhacay Caasimada Wadanka Switzerland Ee Bern (Sawirada Shirka Hoosta Ka Daawo)


 

shirka_beesha_2

Shirweynihiii Sanadlaha Ahaa Ee ay Jaalliyada Reer Hiiraan ku yeelan jirtay Sanad Walba Wadanka Switzerland Ayaa Shalay oo ay Taariikhdu

 

Aheyd 25. 07. 2010 Ka dhacay Magaalada Bern Caasimadda Wadanka Switzerland Kulankan oo Sanad kasta Xiliyadan Dhaca, ayay ka Soo qeyb

 

Galaan dhamaan dadka ku kala nool Gobollada Wadanka Switzerland ee ka soo jeeda Beesha G/jecel sida caadiga ahna waxaa looga hadlaa

 

Arimaha markaas taagan iyo waxa ka qabsoomay wixii lagu go,aamiyay Shirkii ka horeeyay kan cusub  shirkii shalay ka dhacay Bern oo ay ka soo qeyb galeen

 

Dhalinyaro odayaal iyo haween ka kala socday dhamaan Kantoonada uu ka kooban yahay wadanka Swis ka shirka ayaa ku dhacay Jawi farxadeed oo aad u Sareeyay  hadaba kadib markii ay soo dhamaatay qadadii loogu tala galay ka soo qeyb galayaasha ayaa waxaa loo dhaqaaqay Hoolkii uu shirka ka Dhacayay intaas kadibna waxaa hadalka furay  Guddoomiyihii hore ee Jaalliyada Mudane Maxamuud Maxamed Bandow, kaasoo Faahfaahiyay wax qabadka Sanadkii  la soo dhaafay iyo waxa sanadkan hor yaala Jaalliyadda oo ay ka mid yihiin

Howlo horumarin iyo gargaar isugu jira oo la isla gartay in laga fuliyo Goboladda min Hiiraan ilaa Jubbada Hoose. waxaa sidoo kale si weyn looga hadlay loona amaanay

Wax qabadka Guddigii hoggaanka u hayey Jaalliyada muddadii sananka ahayd ee la soo dhaafay iyo waxyaabihii ay Jaaliyadu qabsatey 

 

intaas kadibna waxaa hadalka qaatay odayaasha gaar ahaan Dr,Axmad Dhicisow oo ka hadlay Fariin uu ka waday Qurba joogta dagan wadamada kale ee Yurubta kuwaasoo Codsaday in

 

Si gaar ah xiriirka loo balaariyo Shir guudna la iskugu yimaado wadan ka imid ah wadamada Yurub si loo sameeysto Hogaan guud oo Matala qurba joogta dagan Midowga Yurub oo dhan    

 P7254229shirka_beesha_11 shirka_beesha_4shirka_beesha_10P7254235 P7254246 P7254250shirka_beesha_12 P7254258 shirka_beesha_3shirkii shirka_beesha_14shirka_beesha_8 shirka_beesha_1 shirka_beesha_2   shirka_beesha_5 shirka_beesha_6 shirka_beesha_7 shirka_beesha_9      shirka_beesha_15

shirka_beesha_134

Sidoo kale waxay Jaalliyada taageertay  Maamul Gobolleedka Hiran & Midland oo dhawaan looga dhawaaqay Magaalada London Jaalliyada waxay kula talisay Maamulkaas iyo Madaxdiisaba in ay

 

ku dadaalaan sida ugu dhaqsiyaha badan la tashiga dadka walaalaha ah ee deegaanka la degan Beesha G/jecel si loo helo Maamul loo dhan yahay  intaas kadibna waxaa la guda galay

 

Doorashadii gudiga cusub ee hogaamin doona Jaalliyada labada sano ee soo socota halkaasoo doorasho si heer sare u Dhacday kadib lagu doortay Xubnaha kala ah :- 

 

1) –Maxamuud Maxamed Baandow

2) – Abuukar Yuusuf  Nuur

3) – Sheikh Axmed Maxamed Aadan

4) – C/raxmaan Maxamed Xaaji Cali

5) – Axmed Cumar Dhurre

 

 buqaqable@yahoo.com

buqaqable@windowslive.com

4 Responses

  1. asc ,,,, maasha Allaah

  2. a/s/c waxaan dhamaan salaamayaa madaxda, aqoonyahanka, waxgardka , dhalin yardda iyo haweenka intaa kadib beesha waxan ug hambalyeenayaa in ay ku tilaabsatay horumar xaga siyaasadda ah iyo isku xirnaanta laakiin beeshu waxay degtaa dhulka ugu balaaran koonfurta soomaaliya shabeelooyinka ,jubooyinka iyo hirraan balse intabadan kama hadasho arimaha jubooyinka iyo shabeelooyinka gaar ahaan beeshu waa in ay doorkeeda siyaasdeed ka muujisaa arinta kismaayo iyo waxa laga yelaayo mus tagbalka gaar ahaan sida ay beeshu ugu guulaystay arinta hiiraan sidaas oo kale waa in ay xoogsaaran arinta jubadda hoose .guul GJ

    • asc dahir wa runta walal waamo wa dhulka ugu qalisan e aan leenahay cadawgiisa uu badan yahay wa inaan wada hool galnaa o lo gurmada dhulkeena iyo dadkeena, shirarka / qoraalka iyo hadalakeena wa inu bataa aadna waxaan ugu hanbalyenaya reer switzerland iyo webkodan kudayashada mudan

  3. ASC, Mar kasta oon maqlo Reer Hiiraan/Midland waa shireen waan ku farxaa. Laga bilaabo taariikhda Somalia gaar ahaan wixii ka dambeeyay Xurriyadda 1960, reer Hiiraan waxay ahaayeen kuwa ugu sharafta badan, aqoonta badan, wixii ka dambeeyay inqilaabkii 1969 reer hiiraan (90%) kama qayb qaadanin qaskii waddanka ka dhacaayay. Hadda waxaan u baahanahay dad reer hiiraan/midland ah oo xoog iyo siyaasadba la tartami kara dadka meelo dheer ka soo haajiray oo u dagaalamaya inay dhulkeena nagu xukumaan. Haddii aan is qaybino oo aanan midoobin weligeen wax xuriyad ah ma gaarayno.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: