• RSS Somali VOA

    • Mareykanka oo bogaadiyey xiriirka Ethiopia iyo Eritrea June 22, 2018
      Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in horumarka ay Ethiopia iyo Eritrea ka sameeyeen xal u helista murranka muddada dheer ka dhex oognaa iyo caadiyeynta xiriirkooda uu dhiirigelinayo.
    • Faaqidaadda: Heshiiska Soomaaliya iyo Ethiopia June 22, 2018
      Heshiiskaas oo dhowr qodob ka koobnaa waxaa ugu muhiimsanaa qodobka ka hadlaya in la wada maal-gashto afar ka mid ah dekadaha Soomaaliya.
    • Mareykanka: 40 milyan oo qof ayaa sabool ah June 22, 2018
      Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay oo ku saabsan saboolnimada darran iyo xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay in 40 malyuun oo qof oo ku nool dalka Mareykanka ay ku noolyihiin faqiirnimo ba’an.
    • 3 nin oo lagu helay dambiga weerarkii masjidka Minnesota June 22, 2018
      Saddex nin ayaa waxaa lagu helay dambi naceyb kadib markii lagu eedeeyey inay bombaano ku weerareen masjid ku yaalla gobolka Minnesota.
    • Turkiga oo ka aargutay canshuurtii Trump June 22, 2018
      Turkey ayaa sheegtay in canshuur dhan 1.8 bilyan oo dollar ay saari doonto badeecadaha lagu soo sameeyo Mareykanka, ayada oo ka aargudaneysa canshuur madaxweyne Trump uu saaray biraha iyo alumuuniyaamta dalkaas.
    • Turkiga oo xiray 14 tuhmane oo Daacish ah June 22, 2018
      Wakaaladda wararka dowladda Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta ay xireen 14 qof oo la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin kooxda Daacish, kuwaasi oo diyaarinayey weeraro ka dhan ah doorashooyinka dalkaas ka dhacaya axadda.
    • Faransiiska oo u gudbay wareega 16-ka Koobka Aduunka June 21, 2018
      Xulka kubadda cakta Faransiiska ayaa u gudbay wareega 16-ka ee Koobka Aduunka, kadib marki ay maanta 1-0 uga badiyeen kooxda qaranka ee Peru.
    • Muranka Deeqaha Somaliland June 21, 2018
      Waxaa soo baxday inuu muran u dhexeeyo dawladda Soomaaliya iyo beesha caalamka kaasoo ku saabsan heshiis gaar ah oo qayb ka ahaa Hiigsiga Cusub iyo deeqaha la siinayo Somaliland
    • Dilal ka dhacay Diinsoor oo la isku khilaafsan yahay June 21, 2018
      Mas’uuliyiinta gobolka ee dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen Al-Shabaab, balse ehallada dadkaas ayaa ku dooday inay ahaayeen dad rayid ah.
    • Turkiga oo helaya diyaaradaha F-35 June 21, 2018
      Inkasta oo ay jirto diidmada congress-ka Mareykanka, ayaa Turkiga waxa ay heli doonaan toddobaadkan qeybtii ugu horreysay ee diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka, sida saraakiil ka tirsan pentagon-ka iyo socdaalka ay u sheegeen VOA.
    • Cayaaraha adduunka iyo dhallinyarada muqdisho June 21, 2018
      Dalka Ruusha waxaa si xiisa leh uga socda tartanka Koobka kubadda cagta Aduunka. Ka sokow taageerayaasha dalalka ka qeyb galaya iyo xamaasadda garoomada Ruushka ee ay cayaaraha ka dhacayaan malaayiin qof  oo kale ayaa maalin walba ka daawata shaashadaha. Somalia cayaarta kubadda cagta waa cayaarta ay dhalinyaradu ugu jecelyihiin. Laakiin sanado badan oo amni […]
    • Booliska isku dhafka ah ee Gaalkacyo oo dad xiray June 21, 2018
      Waxaa soo kordhaya wada shaqeynta ay muujinayaan ciidamada booliska ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca suggidda ammaanka iyo ka hor tagista rabshado mar kale magaaladaa ku soo celin kara dagaallo ku dhex maray dhinacyada Galmudug iyo Puntland. Wada shaqeyntaas waxaa ugu dambeeyay booliska Galmudug oo maanta rag soo qabqabteen ku wareejiyay booliska m […]
    • Spain oo dirqi uga badisay Iran June 21, 2018
      Mid ka mid ah kulannadi ugu xiisaha badnaa todobaadkaan ciyaaraha Koobka Aduunka ayaa waxa uu xalay dhexmaray xulalka Spain iyo Iran oo ka wada tirsan Group B. Ciyaartan oo ka dhacday magaalada Kazan ee Koofurgalbeed Russia ay ciyaartooyda xulka Iran kusoo bandhigeen ciyaar wadna-xanuun ku ridday xulka Spain kadid marki ay Iraaniyiintu dheeleen ciyaar difaac […]
    • Portugal oo Uruguay oo guulo gaaray June 21, 2018
      Xulka kubadda cagta Portugal ayaa Arbacadi 1-0 uga badiyay Morocco oo ka mid ah xulalka matalaya Qaarada Africa. Goolka guusha waxaa Portugal u saxiixay Ronaldo oo hadda hogaaminaya gooldhalinta ciyaaraha aduunka, isaga oo leh 4 gool labadi kulan ee uu ilaa hadda dheelay. Uruguay waxay 1-0 ku jajabsadeen Saudi Arabia. Goolka guusha waxaa saxiixay Suarez. Ila […]
    • Trump oo ka laabtay amar dood badan dhaliyey June 21, 2018
      Madaxweyne Trump ayaa Arbacadii shalay soo saaray wareegto uu ku joojinayo go'aan uu isagu horay u soo saaray, kaas oo qaxootiga qaangaarka ah lagaga horjoogsanayo inay Maraykanka soo galaan, caruurtoodana laga reebayo si loo xanaaneeyo.
    • Qubanaha VOA, Jun. 21, 2018 June 20, 2018
    • 'Awoodda Al-Shabaab ma sii kordheyso' June 20, 2018
      Qiimeyn la sameeyey ayaa sheegeysa in kooxda Al-Shabaab aysan sii xoogeysan, inkasta oo ay dhowaanahan fulisay weeraro dhimasho badan, oo uu ku jiro mid lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.
    • Gabdho lagu kufsaday jidka Muqdisho iyo Baydhaba June 20, 2018
      Todobaadyaddii u dambeeyay waxaa qeyla dhaan ay ka soo yeereysay dadka rakaabka ah ee ku safra wada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
    • Afghanistan: 30 askari oo weerar lagu dilay June 20, 2018
      Ugu yaraan 30 askari oo ka tirsan ciidamada dalka Afghanistan ayaa la dilay kadib markii maleeshiyo la tuhunsan yahay inay yihiin Taliban ay weerar ku qaadaeen laba bar kontorool maanta.
    • Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 425-aad June 20, 2018
      Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 425-aad.​        
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Xaflad Si Weyn Loo Agaasimay laguna Maamuusay Caleema Saarka Madaxweynaha Maamulka HIIRAN AND MIDLAND Ayaa Magaalada London Ee Cariga England Xalay Ka Dhacday.


Madaxweyne

Waxaa Xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay caleema saarka madaxweynaha maamul goboleedka HIRAN AND MIDLAND Ing.

  

 C/qaadir Jiraabey Xalay oo ay taariikhdu ahayd, 17 Jun 2010, lagu qabtay Hotelka weyn ee London Marriott Hotel Maida Vale oo ku yaala

  

 Xaafadda Kilburn ee magaalada London ee wadanka UK.Xafladan oo ay kasoo qeyb galeen dadweyne aad u fara Badan oo isugu jiray Rag,

  

Dumar Odayaal, Aqoonyahano, Waxgarad, iyo Caruur oo kasoo wada jeeda gobolada koonfur Soomaaliya ayaa si Aad ah loogu soo dhoweeyay madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Hiran and Midland.

Waxaa xafladaasi ka hadlay qaar kamid ah gudigii qaban qaabada xafladda iyo qaar kamid ah dadweynihii kasoo Qeyb galay xaflada, iyagoona intooda badan

Ku booriyay Madaxweyne C/Qaadir Jiraabay in ay Shacabka reer Hiiraan doorteen balse ay sugeyso shaqo aad udhib badan, masuuliyaduna aysan aheyn mid fudud, iyaguna ay Illaah uga baryayaan in uu lagarab galo. Xafladaasi waxyaabihii looga hadlay qaar kamid ah iyo ujeedooyinka loo aasaasay dowlad goboleedkan oo kooban hoos ka akhri

 

 

Ujeedooyinka loo aasaasay dowladda Hiran & Midland:

 

Madaxweyne 

Waxaan halkan uga mahad celineynaa dhamaan marti sharafta ka soo qeyb gashay xafladan aan ugu dabaaldageyno Aasaaska dowlad goboleedka HIRAN iyo MIDLAND.

dsc00032

Bulshada Hiran and Midland ee caawa halkan isugu timidna waxaan idiin leeyahay hambalyo.Howsha aasaaska dowladda Hiran iyo Midland waxay soo bilaabatay Novermber 2009. Sababaha keenay aasaaska dowladdan ayaan doonayaa in aan wax ka iraahdo:

 

1.   Kadib markii wadanka colaado iyo dagaallo sokeeye uu ka dhamaan waayay muddo 20 sano ah.

 

2.   Kadib markii adeegyada noloasha daruuriga u ah Shacabka reer Hiiraan, sida cuntada, biyaha, Waxbarashada iyo caafimaadka la waayay cid ka shaqeysa.

 

3.   Kadib markii goboladda kale ee dalka ay sameysteen dowlad goboleedyo si ay ugu shaqeeyaan mujtamacooda.

 

4.   Kadib markii  dagaallada iyo gardarrada is daba joogga ah ee lagu hayo bulshada ku nool Hiran & Midland ay dhamaad yeelan waysay.

 

5.   Kadib markii dowladihii wadanka soo maray illaa iyo markii xurriyadda la qaatay ay dayaceen in ay wax u qabtaan bulshada ku nool Hiran & Midland gaar ahaan xagga degaameynta iyo horumarka bulshada.

 

6.   Kadib markii aan muddo 20 sano sugeynay inay dhalato dowlad Qaran oo baahida dadka wax ka qabata, taasna aan illaa iyo hadda la haynin ayaa bulshooyinka HIRAN & MIDLAND waxay go’aansadeen inay aayahooda ka tashadaan oo dadkooda dhibaateysan siday wax ugu qaban lahaayeen u howlgalaan.

 

Waxaan doonayaa inaan halkaan ka caddeeyo bulshada Hiran iyo Midland inay dhabarka saaratay howl culus oo laga sugaayo gudashadeeda.

 

Bulshada Hiran iyo Midland, sidii aan horey u soo sheegay dhibaatooyin badan ayaa haysta kuwas oo u baahan in lagu dhaqaaqo sidii wax looga qaban lahaa.

 

Kuwaas oo ay kamid yihiin Ammaanka, Cunto yarida iyo Abaaraha, Biyo la’aanta, Caafimaadka, Waxbarashada iyo adeegyo badan oo bulshada aysan horumar sameyn karin la’aantood.

 

Dhulka Hiran iyo Midland wuxuu ku yaal ubucda dalka Soomaaliya, waxaana mara waddooyinka la maro markii loo kala safraayo Koofurta iyo woqooyiga dalka.

 

Sidaa darted waa dhul istiraatiiji ah. Waxaa kale oo intaasi u sii dheer waa dhul leh kheyraad dabiici ah, ha noqoto Xoolaha, Beeraha iyo Macdanta dhulka hoostiisa ku jirta.

 

Hadaladaasi waxaa ay kamid ahaayeen qaar kamid ah ujeedooyinkii loo aasaasay dowlad goboleedkan lamagac baxay Hiran and Midland oo ay xafladaasi ka jeediyeen dadkii xafladaasi kahadlayay.

 

Ugu dambeyntii xafladaasi ayaa waxaa ay kusoo gaba gabowday jawi aad u degan oo ay farxadi kudheehneyd, iyadoo uu heeso aad u macaan kusoo gaba gabeeyay Fannaanka da’da yar Nuur Axmed..

 

 

Xigasho: SomaliSwiss London

PreviousToggle PlaybackNext

2 Responses

  1. Waxaan la yaabanahay waxaa waalay gaaljecel, geelinii ayaad ku fiican tihinn, dowladnimo wax aad ka og tihiin ma jiree geeliina iska raaca. magaca aad sheegeysaan alaba magac oo is laaci karaa ma aha. Dowladda Hiiranland maad dhinaceena ka raacdaan. Laf Gaaljecel ka mid ah dowlad ma noqon kartee.

  2. Assalaamu Caleykum,keddib ugu horeyntii waxaan hambalyo u dirayaa madaxda iyo qurba joogta Reer Hiiraan oo ugu dambeyntii fahmay in gobolkooda ayan u maqneen cid ayaga ahayn,intaas haddi looga gudbo waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hiiraan iyo Midland Inj.Cabdulqaadir Aadan Jiraabey.Cabdulqaadir waa nin aqoon yahan ah waxbadanna ka og xaaladda ay Soomaaliya ku sugan tahay,intaas waxaa u dheex in uu yahay nin hal adeeg leh marwalibana hadaladiisa u cabbiro degenaan iyo in uu u dhega nug laado talooyinka wax ku oolka ah.Waa nin ka soo jeedo kuna dhex koray beyad iyo guri looga talin jiray dadka maanta asaga u doortay in uu hoggaanka u qabto,sida la wada ogsoon yahay waxaa dhalay Allah ha u naxariistee Aaqilkii Aadan Jiraabey oo aad looga yaqaan Gobollada Dhexe siiba Hiiraan.Madaxweyne Cabdulqaadir waxaan u rajeynayaa in Allaah ku garab kalo howsha adag oo loo doortay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s

%d bloggers like this: