• RSS Somali VOA

  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Bayaan ka Soo Baxay Jamaacada. (AL- ICTISAAM BIL- KITAABI WASSUNNAH)) oo Ku Aadan Qaraxii Maanta Ka Dhacay Masjidka Suuqa Bakaaraha.


    ictisam1 Bayaan ka soo baxay hoggaanka ururka al-ictisaam Bil-Kitaabi Wassunah ayaa lagu cambaareeyay qarixii maanta lala beegsaday masjid

     

    Ku yaalla Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Suuqa Bakaaraha Bayaankan oo Qoraal ahna waxa uu u qornaa sidan

    الحمد لله ربّ العالمين والصلاةوالسلام على رسول الله صلى الله عليه وسلم وبعد.

     

    Culimada jamaacada Al- Ictisaam Bil- Kitaab Wassunnah iyaga oo gudanaya waajibka diiniga ah ee ka saaran cadaynta xaqqa iyo ilaalinta

     

    Masaalixda ummadooda , kana damqanaya dhibaatooyinka Isdaba jooga ah ee ku dhacaya shacabka soomaaliyeed ee

     

    Dulmanaha ah  waxa ay ka soo saareen qaraxii ka dhacay Masaajidka Bakaaraha ee magaalada Muqdisho maanta oo Taariikhdu tahay 18/5/1431 waafaqsana 01/05/2010 , Bayaankan oo ka kooban qodobadan hoos ku qoran:

     

    1-Waxaanu cadaynaynaa in Falkaasi uu yahay mid fool xun oo ka soo hor jeeda shareecada Islaamka , wuxuuna kulansaday arimo sharciga xaaraan ku ah oo ay ka mid yihiin.

  • Daadinta dhiiga dad muslimiin ah

  • Ku xadgudubka xurmada cibaadada iyo sharafta Masaajidda.

  • Argagax gelinta dad muslimiin ah oo cibaado gudanaya.

    • قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لا يحل لمسلم أن يروع مسلماً ) رواه أبو داود وأحمد والطبراني

      وصححه الشيخ الألباني في غاية المرام ص 257

      2-Culimadu waxa kale oo ay cadaynayaan in falkaasi yahay natiijo ka dhalatay xadgudubyo taxane ahaa oo in badan culimadu ka digayeen kuwaas oo ay asaas u yihiin isgaalaysiinta iyo dhiigbanaysigu.

      3-Waxay Culimada jamaacadu ku baaqayaan sidii ay horeba ugu baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo dhamaan falalka ummada u horseeday dhibaatooyinka dhacaya oo xattaa masaajidii lagu baxsan waayay, loona dhega nuglaadu Baaq yada Culimada iyo waxgaradka.

      4-Waxaanu kale oo ugu baaqaynaa kooxaha isku haya soomaliya in ay ilaahay ka baqaan oo xurmeeyaan goobaha cibaadada , dhiiga Muslimka , sababna aanay u noqon in laga fidnoobo diinta iyo cibaadada.

      قال تعالى: ( ومن أظلم ممن منع مساجد الله أن يذكر فيها اسمه وسعى في خرابها أولئك ما كان لهم أن يدخلوها إلّا حائفين لهم في الدنيا خزي ولهم في الآخرة عذاب عظيم) البقرةالآية 114

      5-Ugu dambayntii waxaanu tacsi u diraynaa eheladii dadkii ku geeriyooday falkaas naxdinta leh anagoo ilaahay uga baryayna inuu naxariistii janno ka waraabiyo, intii ku dhaawacantayna inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

       
      ictisam1 ictisam2

      Gudiga Cilmiyeedka Jamaacada
      Al-Ictisaam Bilkitaabi wassunnah
      Afhayeenka Gududiga Culimada:
      sh. Cali Warsame xasan

      buqaqable.com

      Leave a Reply

      Fill in your details below or click an icon to log in:

      WordPress.com Logo

      You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

      Twitter picture

      You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

      Facebook photo

      You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

      Google+ photo

      You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

      Connecting to %s

      %d bloggers like this: