• RSS Somali VOA

    • Caweyska Washington December 16, 2017
      Qodobo kale duwan oo xiiso leh ayaan idiinku haynaa barnaamijka Caweyska Washington oo toddobaadkiiba aad mar dhageysataan.
    • Mudug: Waddooyin Xirnaa oo la Furay December 16, 2017
      Masuuliyiin ka tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland iyo dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maanta ku guuleystay inay furaan dawooyin muddo sanado ah u xirnaa dagaallo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
    • Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka December 16, 2017
      Barnaamijka Dhacdooyinka ee Toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa qodobadii ugu waaweynaa ee ka dhacay Somalia, waxaana inoo haya Xuseen Barre Aadan
    • Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha December 16, 2017
      Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
    • Maxamed Aadan (Tiiceey) oo la soo Daayey December 16, 2017
      Madaxweynhiih hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb ee hore uga dhisnaan jirey gobolada Dhexe ee Somalia, Maxamed Aadan Tiicey ayaa shaley galinkii dambe soo gaaray gobolka Mineasota kadib markii uu kasoo baxay xabsi uu ku jirey dalka Builgium oo uu ku xirnaa muddo 4 sano iyo 2 bilood ah.
    • Soomaali Lagu Diley Deegaanka Oromada ee Itoobiya December 16, 2017
      Wararka nagasoo gaaraayo deegaano ka mid ah ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dad Soomaali ah oo tiradooda ay gaareyso 65 qof lagu diley tuullada Gadule ee hoostagta degmada Darullow. Hasa ahaatee, madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, Cabdirisaaq Maxamed oo la hadlay laamaha Itoobiyaanka ee afafka Orom […]
    • Faaqidaadda: Saameynta Kaalmada uu Mareykanka Ka Jarayo Somaliya December 15, 2017
      Barnaamijka Faaqidada Todobaadka wuxuu ku saabsanyahay, saameynta ay yeelan karto go,aanki uu Mareykanka ku gaaray inuu hakinayo kaalmadi uu siin jiray ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.
    • Dalalka IGAD oo Sameysanaya Manhaj Mideysan December 15, 2017
      Djibouti waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka waxbarashada ee dalalka urur goboleedka IGAD, kaas oo looga dooday sidii loo heli lahaa manhaj mideynsan.
    • Dhageyso Barnaamijka Amuuraha Islaamka December 15, 2017
      Todobaadkan wuxuu ku saabsan yahay barnaamijka Amuuraha Islaamka, shirki hogaamiyaasha caalamka ay dhawaan ku yeesheen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
    • Mareykanka oo Hakinaya Gargaarka uu Siiyo Ciidanka Soomaaliya December 15, 2017
      Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa VOA-da u xaqiijiyay, in Mareykanka uu hakinayo gargaarki uu siin jiray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
    • Booliska Kenya oo Lagu Eedeeyay Kufsi iyo Jirdil December 14, 2017
      Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in inti lagu guda jiray doorashadi madaxtinimo ee Kenya ka dhacday sanadkaan, ay ciidanka boolisku kufsadeen tiro haween ah isla markaana jirdil u geysteen dad rayid ah.
    • Wariyeyaal Lagu Xiray Myanmar December 14, 2017
      Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay xarig Talaadadi lasoo dhaafay loogu geystay dalka Myanmar laba wariye oo ka tirsan wakaalada wararka Rueters.
    • Faah-faahin Kasoo Baxday Qaraxii Muqdisho December 14, 2017
      Saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in qarax saakay ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, ay ku dhinteen 18 askari.
    • Caqabadaha Horyaalla Golaha Wasiirrada Soomaaliland December 14, 2017
      Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo liiska golahiisa cusub ee wasiirrada.
    • Ronaldinho oo Ku Biiraya Siyaasadda December 14, 2017
      Wargeyska Now O Globo ee kasoo baxa magaalada Rio de Janeiro, ayaa maanta daabacay in laacibki hore ee adduunka Ronaldinho uu u ordi doono kursiga baarlamaanka ee gobolka uu kasoo jeedo Minas Gerais ee dalka Brazil.
    • Madaxweyne Biixi oo Ku Dhawaaqay Golaha Wasiirrada December 14, 2017
      Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ku dhawaaqay golihiisa cusub ee wasiirrada.
    • Askar Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Muqudisho December 14, 2017
      Qarax saakay aroorti ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu sababay dhimashada 17 askari oo ka tirsan ciidamada booliska.
    • Qubanaha VOA, Dec 14, 2017 December 13, 2017
    • Man City oo La Gaari La,yahay  December 13, 2017
      Kooxda Manchester City ayaa kordhisay dhibcaha ay ku hogaamineyso horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska, ka gadaal marki ay 4-0 ku dardartay xalay kooxda Swansea City.
    • Milan oo Tiigsatay Sideed Dhamaadka Coppa Italia December 13, 2017
      Kooxda AC Milan ayaa gaartay wareega sideeda kooxood ee tartanka Coppa Italia ee dalka Talyaaniga kadib marki ay xalay 3-0 ugu awood sheegatay kooxda Hellas Verona.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

War Murtiyeed Ka Soo Baxay Madaxweynaha Ra,isul-Wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka Ayaa Mar Kale Lagu Sheegay in La Dhameeyay Khilaafkii Baarlamaanka iyo Aadan Madoobe oo Ay Digil iyo Mirifle Ka Dhinac Noqdeen


DSC03633 War-Murtiyeed: _Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Sheikh Aden

 

Maxamed Nuur iyo Ras’iisul Wasaaraha Xukuuadda FKMG, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali-Sharmaarke waxay mahad ballaaran u

 

Soo jeeddinayaan dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo ergeyga Madaxweynha

 

Jabuuti ahna Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee dalka Jabuuti Mudane Xaamud Cabdi Suldaan oo gacan weyn nagu Siiyey xallinta

 

khilaafka baarlamaanka soo dhex-galay Madaxda Qaranku waxa ay ku midaysan yihiin dareenka ah in dhammaan hay’adaha dastuuriga ah iyo xubnaha Baarlamaankuba ay

 

Ku dadaalaan hir-gelinta waajibaadka qaran ee loo wada dhaartay.Madaxda Qaranku waxay gar-waaqsan yihiin in sii socoshada khilaafka soo dhexgalay baarlamaanka aysan xamili karrin hay’adaha curdanka ah ee dastuuriga ah ee DFKM iyo shacabka Soomaaliyeedba.

 

Sidaas darteed ayay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaruhu u go’aansadeen in ay u caddeeyaan shacabka Soomaaliyeed, mudanayaasha Baarlamaanka, Xubnaha golaha

 

Wasiirada iyo bulshada caalamka, gaar ahaan saaxiibada Soomaaliya, in masuuliyiinta sare ee Qaranka Soomaaliyeed ay midaysan yihiin, una taagan yihiin in ay ku shaqeeyaan kana mira dhaliyaan

 

mabaadiiddii iyo himilooyinkii loo soo dhisay DFKM. Madaxda sare ee Qaranku:

 

1) Waxay isla garteen in khilaafka lagu xalliyo si waafaqsan sharciga iyo maslaxadda Qaranka,

2) Waxay isla garteen in baarlamaanku uu bilaabo fadhiyadiisa caadiga ah, si uu u guto waajibaadka horyaalla,

3) Waxay ballan-qaadaysaa xukuumaddu in ay gacan ku siiso baarlamaanka sidii uu u gudan lahaa hawlihiisa,

4) Waxay adkaynayaan in ay lagama maarmaan tahay xoojinta wada shaqaynta xukuumadda iyo baarlamaanka,

 

Sidoo kale, masuuliyiinta Qaranku, waxay ballan-qaadayaan in loo xaliyo wixii ka dhashay khilafka si ay ku jirto niyad-sami iyo masuuliyad.Madaxda Qaranku waxay uga mahad-naqayaan

 

Mudanaayasha baarlamaanka duruufihii adkaa ee ay ku shaqeeyeen iyo gacanta ay ka geysanayaan xallinta khilaafka, waxaanna ugu baaqaynaa in ay sii laban laabaan dadaalka

 

Si marxaladdaan adag looga gudbo.Mar labaad, waxaan si weyn ugu mahad naqaynaa Mudane Xaamud Cabdi Suldaan oo kaalin aad weyn ka geystey is-fahamkii la gaaray.

Sharif Sheekh Axmed                                            

Madaxweynaha Soomaaliya                               

Sheekh Aden Maxamed Nuur

Guddoomiyaha Baarlamaanka

Cumar Cabdirashid Cali-Sharmaarke

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho, Jimce, April 30, 2010

buqaqable.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: