• RSS Somali VOA

  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

NIN DANTIISA YAQAAN AYAA DOWLAD U HEELAN (Maqaal Avv.Xussein Diiriye Afrax)


avv x d afrax

Ninka muwaadhinka ah waxa uu mar waliba si gaar ah ugu baahan yahay in gudaha waddankiisa uu ka helo

Xaalad fiican oo u oggolaato in uu helo Nabad gelyo waafi ah oo u saamaxdo sidii uu ugu noolaan lahaa

Meel kasto oo ka mid ah Soomaaliya,natiijadaas si loo gaaro waxaa Maareyn karo oo kaliya dowlad dadkeeda u adeegto

Sida la wada ogsoon yahay waddanka muddo badan ayaa waxaa ka talineysay Fowdo Ay abaabuleen dad

Naxariis laawayaal ah oo dantooda kala weyn tahay Midda qaranka, falkaas ayaa waxa uu horseeday in

waddanka Ka bixi waayo qalalaasyo is daba jog ah oo ay hor seedayaan jaahiliin iyo ganacsato indhalaawayaal ah oo

u hamuun qabo Sidii ay ku boobi lahaayeen Hantida ummadda,dadkaas waa kuwa ugu horeeyo oo diidan dagaalna ku qaado

Dowlad waliba oo Waddanka loo dhiso,dhinaca kale rag Madaalayaan ah Ayaa waqti waliba u taagan Sidii ay u

Agaasimi lahaayeen qorshe mar waliba lagu iagleelo dowlad,ugu dambeyntii dadaalka waxgaradkaas waxaa u suurto geliyay dhismaha dowlad uu madax ka yahay wadaadka qunyar u socodka ah Mudane Shekh Shariif Sheekh Axmed,

waa la fahmi karaa in waqti gaaban wax waliba lagu hagaagin Karin,balse dowlad daciif ah waxay dhaantaa dowlad la’aan.

Isla waqtigii loo doortay madaxweyne,Shekh Shariif waxa uu go’aansaday in labo dhib midda yar la doorto, Sheekha waxa uu Xamar ku soo noqdo asagoo maanka ku haayo sidii uu dhibaatada uga hor tagi lahaa,

waxaase dhacday in wax magaratadii Dagaal u joogga aha ay isu bahaystaan sidii ay uga hor imaan lahaayeen dowladda curdunka ah.Cidna kama qarsoono in dowladda Sheekh Shariif ay leedahay

daldaloola badan ayna ka mid yihiin rag wasiirro ah ama Madax kale oo xariif ku noqday sidii ay ku kasban lahaayeen maaliyad badan ayagoo caado ka dhigtay Boobidda hantida qaranka,

qaadashada laaluuska,ka dullaalidda viisooyinka iyo wax la mid ah,si gaar ah ayaa looga warhaya tuugadaas oo ku sifooway xishood laawayaal, sida runta tahayna diyaar ayaa loo yahay

Sidii loo daaweyn lahaa boogtaas ayadoo dadka sidaas ku sifooway in mar horeba magacyadooda laga diiwaan geliyay maxkamad awood u leh in ay ka abaal mariso fal-fal xumada iyo caybta ay u soo jiideen magaca iyo maamulka wanaagsan ee dowladda Shekh Shariif.

Avv.Xussein Diiriye Afrax

afrokksom@hotmail.com

Edmonton London

buqaqable.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: