• RSS Somali VOA

    • Dad loo xiray weerar ka dhacay kulankii Liverpool iyo Rome April 25, 2018
      Booliska magaalada Liverpool ayaa xiray laba qof oo la tuhunsan yahay inay isku day dil sameeyeen kadib markii nin 53 jir ah looga tagey xaalad halis ah, ka hor kulankii koobka horyaallada Yurub ee kooxaha Rome iyo Liverpool. Cayaartaas oo ka dhacday garoonka Anfield ayaa waxaa 5-2 ku adkaaday kooxda Liverpool. Ninka la dhaawacay ayaa waxaa si halis ah loogu […]
    • Beledweyne: Daadad Barakac Dhaliyey April 25, 2018
      Daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo maalmihii u dambeeyey ka da'yey gobolka Hiiraan iyo qeybo ka tirsan dalka Ethiopia ayaa barakiciyay ilaa 9 kun qoys oo ku noolaa xaafadaha magalada Baledweyne
    • Muqdisho: Dowladda oo Soo Bandhigtay Xubin Daacish Ka Tirsan April 24, 2018
      Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa soo bandhigay jin ay sheegeen inuu ka tirsan yahay oo lagu soo qabtay hawlgal ka dhacay degaanka Carbiska ee duleedka Muqdisho
    • Liibiya: Tahriibayaal Soomaali ah oo La Soo Bad-baadiyay April 24, 2018
      Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya Muxuddiin Maxamed Kaalmooy, ayaa sheegay inay jiraan Soomaali habeen hore laga soo bad-baadiyey badda, kadib markii ciidamada Liibiya ay ku arkeen xeebaha dalkasi, xilli ay la socdeen doonyo liita.
    • Xaaladda Bush oo Ka Soo Reyneysa April 24, 2018
      Madaxweynihii hore ee Mareykanka George H. W. Bush ayaa la sheegey in ay xaaladdiisa ka soo reynayso, kadib markii isbitaal loo dhigay infegshenka dhiigga ku dhaca oo noloshiisa halis  geliyay, sida ay qoyskiisa ku sheegeen war ay soo saareen.
    • Galka Baarista: Heshiiska W.Gaashandhigga iyo Shirkad Shisheeye April 24, 2018
      Ku soo dhawaada barnaamijkii Galka Baarista oo ku saabsan heshiis ay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya la gashay shirkad gaar ah oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta.
    • Hargeysa: Imtixaanaadka Dugsiyada iyo Dadka Aan Lixaadkoda Dhammeyn April 24, 2018
      Somaliland waxa ka socda diyaarinta imtixaannaadka dugsiyada waxbarashada. Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee laxaadkoodu uu dhiman yahay, waxay ka mid yihiin ardayda u fadhiisanaya imtixaanaadkan, waana sannadkii ugu horraysay ee ay si rasmi ah u helaan imtixaan u gaar ah iyaga.
    • Roob ka Da'ay Kenya oo Sababay Geerida Dad Badan April 24, 2018
      Roob  ma hiigaan ah oo ka da’ayay toddobaadyaddii la soo dhaafay dalka Kenya, ayaa lagu soo waramayaa inay meelo kala duwan ay ugu dhinteen illaa dad ku dhow boqol qof. Roobka oo daadad soo rogay ayaa kumannaan qof oo kale ay ku barakaceen.
    • Toronto: NIn Gaari Jiirsiiyay Dad oo Maxkamad La Hor-keenayo April 24, 2018
      Nin watey gaari oo shalay ku dilay Magaalada Toronto ugu yaraan 10, ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaada ah maxkamad uu ka soo hor muuqdo.
    • Mareykanka oo Hubinaya Ballanqaadkii Korea-da Waqooyi April 24, 2018
      Aqalka Cad ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in yoolka ugu danbeeya ee wadahadallada madaxweyne Trump la yeelan doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu yahay buburinta hubka niyukleerka.
    • Ciidamo Isku-rasaaseeyay Muqdisho April 23, 2018
      Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rasaas la isku weydaarsaday gudaha xeradii tababarka ee Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho.
    • Biriq Dad ku Dishay Caabud-waaq April 23, 2018
      Warar naga soo gaaraya bartahama Soomaaliya ayaa sheegaya in roobabka Gu’aga ee ka daya qaybo kamid ah gobollada dalka ayaa sababeen dhimashada laba ruuux kadib markii ay ku dhacday biriq xilli ay kusugnaayeen hoygooda, sida ay VOA usheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
    • Yemen: Duqeyn Lala Beegsaday Xaflad Aroos April 23, 2018
      Saraakiisha caafimaadka Yemen ayaa sheegay ayaa in weerar dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen isbaheysiga uu Sacuudigu horkacay lala beegsaday xaflad aroos oo ka socotay waqooyiga dalka Yemen, halkaasina ay ku dhinteen 20 qof.
    • Muhaajiriin ku Dhintay Xeebaha Libya April 23, 2018
      Ugu yaraan 11 muhaajir ayaa dhintay 263 kalena wa la soo bad baadiyay Axaddii, kadib laba howl gal ay ciidamada badda dalka Libya ay ka sameeyeen xeebaha dalkaas Libya, sida ay shaaciyeen ciidamada badda ee Libya.
    • Pogba "Wax dhibaato ah kuma qabo Mourinho" April 23, 2018
      Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Manchester United Paul Pogba ayaa sheegay inaanu wax dhibaato ah ku qabin macallinka kooxdaas Jose Mourinho, islamarkaana aanu maskaxda ku hayn inuu kooxda ka tago. 25 jirkan u dhashay dalka Faransiiska ayaa kursiga keydka looga tagey labadii lug ee cayaartii wareega 16 ee koobka horyaalada Yurub oo kooxda United ay reebtay koox […]
    • Muqdisho: Amniga Suxifiyiinta oo Laga Dooday April 23, 2018
      Kulamo ku saabsan amniga suxufiyiinta ayaa maalmahan ka socday magaalada Muqdishu
    • Wareysi: Saameynta Roobki ka Da'ay Hargeysa April 23, 2018
      Iyadoo lagu jiro xilli roobaadkii isla markaana ay roobabkii gu’gu ay ka da’ayaan deegaanno ka mid ah Somaliland, ayaa qaar ka mid ah magaalooyinka ay dhibaato ku hayaan xadhkaha korontada iyo waliba qashin jidadka ay biyaha roobku u soo saaraan
    • Wareysi: Nin Shabaab ka Soo Goostay oo La Abaal-mariyay April 23, 2018
      Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan sheegay inay abaalmarin lacageed siiyeen xubin horey uga tirsanaa ururka al-Shabab oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Aaden Sandheere.
    • Muqdisho: Turkiga oo Gar-gaar Siiyay Dadka Aan Lixaadkooda Dhammeyn April 23, 2018
      80 qof oo ka mida dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa maanta helay kuraasta dadka naafada ah oo ay ugu deeqday hay’adda Bisha Cas ee Turkiga.
    • Brussels: Maxkamad Dambi ku Heshay Rag Ku Eedeysan Argagixisnimo April 23, 2018
      Maxkamad ku taalla Biljamka ayaa dambi ku  heshay laba nin oo isku dayay inay weerar argagixisnimo ku dilaan ciidamo boolis ah gudaha magaalada Brussels March 2016.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Warbixintii AyThe Monitoring Group on Somalia, u Gudbisay Qaramada Midoobay Fadeexad Loo Baahnaa Cambaarna Ku Noqotay Shaqsiyaad Bulshada Dhexdeeda iskula Weynaa Xaaraantana Hoosta Ka Dhuuqi jiray (Warbixinta oo English Ah Hoosta Ka Aqriso)


aminart Warbixita, oo ka kooban 110 bog, ayaa ugu horreyn-ba sheegeysa in inkastoo ay saaxadda siyaasadeed ee Somalia
 
Si weyn isku bedeshay sanadkii tagay, oo la doortay hoggaan cusub,wadaaddo qunyar socod ahna ay majarihii
 
dalka qabteen, in haddana xaaladda guud ee dalka, inay kasii darto m ahane, aaney wax weyn iska beddelin.

Colaad qabyaaladeysan

Warbixintu waxay sheegtay in colaadda ka aloosan koonfurta Somalia ay u xuubsiibatay mid qabyaalad ku saleysan.
 
Waxaana illaa hadda meesha ka maqan koox ama dhinac cudud xooggan muujiyey, oo muquunin kara kuwa kasoo horjeeda.
 
Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in Somaliland iyo Puntland, oo inta badan xeyndaab xasilloon uga dahaarnaa colaadda ragaadisay koonfurta Somalia, inuu iyana imminka soo gaaray faniinka colaaddaas.
 
Guddiga Daba-galka xayiraadda hubka, oo ah laanta soo saarta warbixinnada noocan ah sanadkiiba mar, ayaa xoogga saartay saddex qeybood.Qeybta koobaad,  waxay warbixintu xoogga saarta hubka sida sharci darrada ah ugu soo qulqulaya dalka Somalia,

taas oo xadgudub ku ah xayiraaddii xagga hubka ee ay Qaramada Midoobay saartay Somalia, sanadkii 1992-dii. Qeybta labaad ayay warbixintu xoogga ku saartay musuqmaasuqa iyo laaluushka aafeeyey hey’adaha dowladda KMG ah, iyo kuwa waliba qandaraaslayaasha daabula cuntada samafalka ah ee Somalia loo wado.
 
Qeybta saddexaad, ayay warbixintu diiradda ku saartay burcad-badeednimada, oo ay ku sifeysay inay noqotay mehered ay si qudbo siro ah uga macaashaan kooxaha burcad-badeedda, iyo siyaasiyiin badankooda ka tirsan maamulka Puntlnad.

Hubka sharci darrada ah

Haddii aan ku horreyno hubka sharci darrada ah ee Somalia ku qulqulaya, warbixinta ayaa sheegtay in hubka ugu badan uu wali Somalia kasoo galo dhanka dalka Yemen, balse waxay kaloo sheegtay in Ethiopia uu yahay dalka ugu weyn ee hub iyo rasaas siiya kooxo kala duwan oo Somalia jooga.
 
Eritrea ayaa iyana soo raacda, iyadoo la sheegay in, inkastoo uu sanadkii lasoo dhaafay yaraaday hubkii ay Somalia geyn jirtay, haddana inay xoojisay taageerada dhaqaale, iyo midda siyaasadeed ee ay siiso kooxaha ku kacsan dowladda Somalia.
 
Tusaale ahaan, Eritrea way qirsan tahay inaysan aqoonsaneyn DKMG ah ee caalamka intiisa kale uu inta badan aqoonsan yahay.Dowladda KMG ah iyo ururka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ayaa hubka ugu badan ka hela dowladaha dariska ah,
 
Sida warbixintu sheegtay. Laakiin kooxaha dowladda kasoo horjeeda, sida Xizbul-Islaam iyo Al-Shabaab, ayaa hubka intiisa badan ka iibsada suuq madow, suuqaas oo uu garwadeen ka yahay nin la yiraahdo Max’ed Siciid “Atom,” oo sida ay warbixintu sheegeyso ah
 
Dillaalka ugu weyn ee hubka ka keena Yemen, isagoo marka hore kasoo dajiya xeebaha Puntland, gaar ahaan Bariga Sanaag, halkaas oo uu saldhig iyo malleeshiyo-ba ku heysto. Warbixinta ayaa sheegtay in Atom uu malleeshiyadiisa u bixiyey “Mujaahidiinta Bariga Sanaag,” isagoo xiriir toos ahna la leh kooxda al-Shabaab,
 
kuwaas oo tababar malleeshiyadiisa ku siiyey xero ku taalla deegaanka Galgala. Warbixinta ayaa sheegtay in Atom uu hadda billaabay inuu Galgala ka dhiso gegi dayuuradeed, iyo inuu isku diyaarinayo dagaal uu la galo maamullada Somaliland iyo Puntland.
 
Sidoo kale, warbixintu sheegtay in Xizbul-Islam iyo Al-Shabaab-ba ay hub iyo saanad wali ka helaan Eritrea, iyadoo kasoo dajisa xeebaha ku teedsan min Kismaayo illaa Muqdisho. Intaas waxaa dheer dagaal-yahanno ajnabi ah, oo wali kusoo qulqulaya.
 
Guddiga Dabagalka Xayiraadda Hubka Qaramada Midoobay, ayaa tirada guud ee dagaal-yahannada ajnabiga ah wuxuu ku qiysaasay inay ka yar tahay kun dagaal-yahan, oo qaar kamid ah ay yihiin khubaro xagga tababarka iyo walxaha qarxa.
 
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dalka Ethiopia ay kusoo xera-taraareen gayiga Somalia dhowr goor, sanadkii lasoo dhaafay, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Gedo, taas oo bay yiraahdeen xadgudub ku ah xayiraadda hubka ee Somalia saaran.

Xaraashidda Visooyinka

Qeybta labaad ee warbixinta, oo xoogga saartay musuqmaasuqa hareeryey DKMG ah iyo qandaraaslayaal daabula raashinka gargaarka ah, ayaa sheegeysa in wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Somalia ay iibiyaan Visooyin ama dal-ku-gal Reer Galbeed ah.
 
Warbixinta ayaa magacowday saddex wasiir, oo kala ah: wasiirka kalluumisiga iyo kheyraadka badda, ahna ra’iisul wasaare ku xigeen, Prof. C/raxman Ibbi, wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka, Madoobe Nunow, iyo wasiirka qoyska iyo haweenka, Fowsiyo Max’ed Sheekh.
 
Prof. C/raxman Ibbi, oo ay VOA-du weydiisay eedeymaha ku saabsan Visooyinka la iibsaday mar uu ka qeyb galayay Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha maalintii Axadda, ayaa beeniyey eedeymahaas.Ka sokow wasiirrada, waxay warbixintu magacowday
 
mudane ka tirsan baarlamaanka, oo la yiraahdo C/caziiz C/llahi Max’ed (Cabdi-Xukun), oo sida ay warbixintu sheegtay ah dillaal weyn oo soo dhameeya Visooyinka. Warbixinta ayaa sheegtay inuu Cabdi Xukun ka faa’ideyso baasaboor Midwoga Africa ah,
 
oo uu heysto, kuna helay xilli uu ka tirsanaa baarlamaanka Midowga Africa.Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu magacaabay danjiraha Somalia u fadhiya Nairobi, Max’ed Cali America. Danjire America, oo la hadlay Guddiga Daba-galka ee warbixinta soo saaray, ayaa beeniyey inuu ku lug leeyahay iibinta Visooyinka.

DKMG oo beenisay

Dowladda KMG ah ayaa beenisay dhammaan eedeymaha ku saabsan iibsiga Visooyinka, waxayna sheegtay in, inkastoo ay baaritaan sameyn doonto, haddana ay warbixintu u egtahay mid la been abuuray, sida uu leeyahay Eng. C/raxman Cismaan Yarisow, wasiirka lacagta ee DKMG ah, oo isna VOA-da la hadlay.
 
Si kastaba ha ahaatee, khubarada u kuur gala Somalia, ayaa qaba in ugu yaraan faa’iidada laga heli karo warbixitan, ay tahay in shakhsiyaadka la eedeeyey, iyo kuwa damca inay musuqmaasuq geystaan-ba, inay ku khasbanaan doonaan inay ka fiirsadaan tallaabadooda,
 
kahor intii aaney qaadin.ra’ayigaas waxaa qaba Dr. Afyare Cabdi Cilmi, oo daraasaadka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Qatar ee Doxa. Sidoo kale, Prof. Afyare wuxuu qabaa in dowladda KMG ah soo dhaweyso baaritaankan.

Raashin la xaday

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan kala bar raashinka gargaarka ah ee Somalia loo wado, inay dhexda ka saaraan qandaraaslayaal daabula raashinkaas, oo u shaqeeya heya’dda WFP. Mid kamid ah qandaraaslayaash, oo la yiraahdo Eng. C/qadir Eenow, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray toddobaadkan, wuxuu si xooggan u beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey. Ha yeeshee hey’adda WFP ayaa sheegtay inay hakisay qandaraaskii ay siin jirtay saddexda shirkadood ee la eedeeyey.

Burcad-badeedda

Qeybta saddexaad ee warbixinta, oo xoogga saareysa burcad-badeednimada, ayaa sheegtay in, inkastoo ay gaashaan-buur caalami ahi isku taxallujisay inay xakameyso burcadda kusoo qamaamtay xeebaha Somalia, inay wali burcad-badeenimadu sii jirto, oo walibana ay soo xoogeysatay.

Warbixinta ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee burcad-badeeddu ay usoo xoogeysanayaan ay tahay iyagoo taageero siyaasadeed iyo badbaado-ba ka helaya goobaha ay saldhigyada ku leeyihiin ee aagga Puntland iyo bartamaha Somalia, gaar ahaan Xaradheere.

Warbixinta ayaa sheegtay in sababta ay burcaddu ugu dhici weysay inay xarumo ka sameysato xeebaha Somaliland, oo juquraafi ahaan u dhow dhabbooyinka caalamiga ah, inay tahay iyadoo uu maamulka Somaliland, iyo beelaha dega xeebuhu-ba, ay tallaabooyin xooggan ka qaadeen burcadda.
 
Sidaas darteed, warbixinta ayaa sheegtay in burcad-badeednimadu ay tahay ganacsi qoys. Dhanka Xaradheere, qoyska udub-dhexaadka u ah burcadda waxaa hoggaamiya Max’ed Xasan Cabdi “Afweyne,” waxayna warbixintu sheegtay inuu wiilkiisa C/qadir uu sanadkii tagay la wareegay inta badan howlaha burcadda bartamaha Somalia

Burcad-badeedda & Puntland

Dhanka Puntland, warbixinta ayaa sheegtay in qoysaska burcad-badeednimada ay kala hoggaamiyaan Abshir C/llahi Boyah, oo kasoo jeeda degmada Eyl, Max’ed Cabdi Garaad, iyo Fu’aad Warsame Saciid, oo loo yaqaanno “Xannaano,” kana soo jeeda Bariga Sanaag.
 
Warbixinta ayaa sheegtay in madaxda sare ee Puntland, sida madaxweyne C/raxman Max’ud “Faroole,” Wasiirka arrimaha gudaha, Gen. C/llahi Axmed Jamac “Ilka-Jiir,” iyo wasiirka amniga, Gen. C/llahi Saciid Samatar, in masuuliyintani ay xiriir toos ah la leeyihiin
 
burcad-badeedda, iyo waliba inay ka macaashaan dhaqaalaha ay burcaddu soo xareyso, sida ay warbixintu qortay.Inkastoo ay Puntland kordhisay la dagaallanka burcadda iyo cambaareyntoodaba, sanadkii lasoo dhaafay, sida ay warbixintu qortay,
 
haddana warbixintu waxay sheegtay in horjoogayaal burcad-badeed ay si xor ah u joogaan Puntland, mararka qaarkoodna ay badbaado heleen.Warbixintu waxay tusaale usoo qaadatay in Gen. Ilkajiir, wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland, inuu si shakhsi ah ugu ololeeyey sii deynta toddobo burcad-badeed ah oo daacad u ah Xannaano, ,
 
kuwaas oo ay la baxsadeen shaqaale u dhashay Masar, oo lagu heystay deegaannada Puntland. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay inuu General Ilka-Jiir, oo muddo dheer ku noolaa dalkan Mareykanka, inuu u ololeeyey in Xannaano loo magacaabo taliyaha ciidanka ilaalada badda ee deegaannada Sanaag,
 
kaddib markii uu, sida warbixintu sheegtay, Fu’aad Xannaano siiyey Ilka-Jiir lacag dhan $200,000, xilligii uu jeneraalku u tartamayay madaxtinimada Puntland.Si kastaba ha ahaatee, wasiirka warfaafinta ee Puntland, C/xakiim Axmed Guled, oo Jimcihii shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, ayaa si kulul u beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey Puntland.

‘Ha lala xisaabtamo’

Sen. Russ Feingold, oo ah guddoomiyaha guddi-hoosaadka Africa ee Aqalka Senate-ka ee Mareykanka, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray, wuxuu sheegay inuu aad uga walaacsan tahay eedeymaha ku xusan warbixinta, iyo raashinka samafalka ah ee la xado. Wuxuuna ku baaqay in beesha caalamku ay kordhiso la xisaabtanka shakhsiyaadka iyo kooxaha ka dambeeya falalkaas.

Ma buunbuunin baa?

Si kastaba ha ahaatee, sheegid waxaa mudan in Guddiga Daba-galka xadgudubyada ka dhanka ah xayiraadda hubka ee Qaramada Midoobay, oo ah kooxda soo qortay warbixintan, inay leedahay soo jireen mararka qaarkood ay ku jirtay buunbuunin iyo ka badbadin, taas oo shaki ku abuureysa xaqiiqanimada eedeymo badan oo ay warbixintu qortay, sida uu leeyahay Prof. Afyare Cabdi Cilmi, oo ka warramaya warbixinnadii hore

Ugu dambeyntii, warbixinta ayaa ka dayrineysa guud ahaan xaaladda Somalia, inkastoo ay sheegeyso inay dhaanto sanadkii ka horreeyey. Laakiin waxay tilmaameysaa in kooxda Al-Shaaab ay sii xoojisay xiriirka ay leedahay kooxaha argagixisada caalamiga ah, sida Al-Qaacida, waxayna warbixintu sheegtay inay taasina, marka lagu biiriyo qodobbadii kale ee ay warbixintu kasoo hadashay, inay bohol qoto-dheer kasii tuuro yididiiladii laga qabay in xaaladda Somalia soo noolaato.

Warbixinta oo english Ah

buqaqable.com

Waxaa Soo Tarjumay Somali VOA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s

%d bloggers like this: