• RSS Somali VOA

    • Soomaalida Mareykanka oo Soo Dhaweeyay Go,aanka Hey,adda Socdaalka April 27, 2017
      Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa soo dhaweeysay go,aanki kasoo baxay Hey’adaha Socdaalka Mareykanka ee ahaa inay joojinayaan qabqabashada dadka Soomaalida ah ee sharci darrada ku jooga dalkaan Mareykanka.
    • Mareykanka oo Joojiyey Qabashada Dadka Soomaalida April 26, 2017
      Hey’adaha socdaalka ee Mareykanka ayaa ku wargeliyay safaaradda Soomaalida inay joojinayaan qabqabashada dadka Soomaalida ee sharci darada ah oo aan guryahooda ama goobahooda shaqo loogu tagi doonin.
    • Rabshado la Xiriira Doorashada oo ka Dhacay Kenya April 26, 2017
      Dalka Kenya ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay ku fidaan rabshado goos goos ah oo la xiriira doorashooyinka  mudadoodu soo dhawaatay ee la filayo inay dalkaas ka dhacaan.
    • Ciidamada Kenya iyo Ethiopia oo Xadgudubyo Lagu Eedeeyey April 26, 2017
      Warbixin ay qortay qeybta ilaalinta rayidka ee hay'adaha gargaarka ee ka hawlaga Soomaaliya ayaa ku eedeenaysa ciidamada Kenya iyo Itoobiya iyo kuwa AMISOM in hawklgalladooda Soomaaliya ay xadgudub ku yihiin mabaadi’da bani'aadannimada.
    • Wareysi: La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo April 26, 2017
      Xuseen Macalin Maxamud (Damuumaaye) oo ah la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta faah faahin ka bixiyay Qorshaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed.
    • Hiiraan: Dagaal Dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada Ethiopia April 26, 2017
      Ciidamada Ethiopia iyo Al-Shabaab ayaa maalintii labaad waxaa uu dagaal goos goos ah ku dhexmarayaa deegaano ku yaalla inta u dhaxeysa magaalada Baledweyne iyo deegaanka Halgan.
    • Boosaaso: Shan Qof oo Qaraxyo Watay oo la Qabtay April 26, 2017
      Taliska qeybta booliska ee gobolka Bari ee Puntland ayaa maanta Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaaladda Boosaaso ku soo bandhigay 5 nin oo la sheegay inay wateen waxyaabaha qarxa.
    • Trump oo Maanta Shaacinaya Qorshe Canshuur Dhimis April 26, 2017
      Filashada qorshaha canshuur dhimista loo sameynayo shirkadaha waa weyn iyo shaqsiyaadka ee madaxweyne Donald Trump ayaa sare u qaaday qiimaha suuqyada saamiyada Mareykanka shalay iyo kuwa qaaradda Asia, xalay.
    • Warbixin: Baarlamanka oo Su'aal Ka Keenay Qorshaha Dhisidda Ciidanka April 26, 2017
      Intiinnii dhageystay idaacaddayadi fiidnimo ee xaley, Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaley dood ka keenay qorshaha difaaca qaran ee lagu dhisayo ciidamada Soomaaliya.
    • Guddiga Difaaca BF oo Diiday Qorshaha Dhismaha Ciidanka April 25, 2017
      Guddiga difaaca ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay qorshaha dhismaha ciidamada qaran ee Soomaaliya ee dhowaan ay isku raaceen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.
    • Duqeyn ka Dhacday Qeybo ka Mid ah Gedo April 25, 2017
      Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegayo in duqeyn xoogan ay oo dhowr gantaal loo adeegsaday ay ka dhacdey deegaanada War Gaduudo iyo Modaale oo hoos yimaado degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
    • Soomaaliya: Cudurka Daacuunka oo Dilay 500 oo Qof April 25, 2017
      Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ilaa 500 oo qof ay u dhinteen cudurrada  daacuunka ee ka dhashay abaaraha ka jira Soomaaliya.
    • Baydhaba: Askari Xukun Dil ah lagu Fuliyey April 25, 2017
      Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa saaka waxay xukun toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada booliiska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
    • Turkiga oo Fuliyey Duqeymo ka Dhan ah Kurdish-ka April 25, 2017
      Ciidamada Turkiga ayaa maanta fuliyey duqeymo ka dhan ah mucaaradka Kurdish-ka ee ku sugan waqooyiga Ciraq iyo Waqooyiga Bari ee Syria.
    • Soomaaliya oo la Wareegeysa Sugidda Amnigeeda April 25, 2017
      Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa isku raacay inuu soo dhawaaday waqtigii Soomaaliya ay la wareegi laheyd mas'uuliyaddeeda dhinaca ammaanka.
    • Buug Laga Qoray Soomaalida Ohio iyo Minnesota April 25, 2017
      Waxaa xalay magaalada Colombus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka lagu soo bandgigay buug ilaga qoray jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolada Ohio iyo Minnesota.
    • Obama oo Baaq u Diray Dhallinyarada April 24, 2017
      Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo markii ugu horeysay dib ugu soo laabtay nolosha dadweynaha tan iyo markii uu xilka ka degay ayaa ugu baaqay da’ yarta magaalada Chicago inay u dhaqdhaqaaqan bulshada, si la mid ah isaga, inta uusan siyaasadda gelin.
    • Baydhaba: 4 Shabaab ah oo Xukun Dil lagu Fuliyey April 24, 2017
      Maxakamaada ciidamada ee Somalia ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay 4 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab oo horey loogu soo qabtay inay ka dambeeyeen qaraxyo
    • Guddoomiye ku Xigeenada Gobolka Banaadir oo la Magacaabay April 24, 2017
      Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta lagu magacaabay guddoomiye ku xigeenada maamulka  gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee maamulka.
    • Warbixin Gaar ah: Ammaanka Garoomada Diyaaradaha April 24, 2017
      Sanad iyo saddex bilood ayaa laga joogaa markii kombiyuutarka la qaadan karo ama laptop qarax lagu soo xiray lala galay diyaaradda Daallo Airlines, waxaana ninkii watay uu qarxiyey daqiiqado kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha Mudisho xilli ay kormaraysay magaalada Balcad. Weerarkaasi oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen ururka Al-Shabab ayaa noqday m […]
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Shirkii Culimada oo Maanta Qodobo Sagaal Ah laga Soo Saaray Kuwaasoo Ay Ka Mid Yihiin in Dastuurka Laga Badalo Qodobo Ay Ka Mid Yihiin Qodobka 8aad Faqradiisa labaad iyo Bixitaanka Ciidanka Amisom


 Majmaca Culimada Shirkii Culimada Soomaaliyeed beryahan uga socday Hotel Guuleed Magagaalada Muqdisho Ayaa Maanta la soo Gabagabeeyay kaasoo laga Soo saaray Qodobo Sagaal Ah oo ay inta Badan Culimada isla garteen
Halkaasoo Hogaan loogu Doortay Dr,Sh.Bashiir Axmed Salaad Shirkan oo Si Cad loogu taageeray Dowlada
Cusub ee Somaliya Ayaa Hadana afka laga dhowray taageerada Dowlada iyo Fogeynta Mucaaradka in kastoo Dowlada Somaliya laga codsaday inay badasho dhowr Qodob oo ka mid ah Axdiga Kmg ah ayna si nabad ah Ku Saarto Ciidanka Amisom taasoo
Muujinaysa Aqoonsiga Ay Siiyeen Culimada Dowlada iyagoo dhinaca kale Ka digay in qof dambe oo soomaali ah dhiigiisa la daadiyo Macnaha ki jira Halkaasna waa Mucaarad Dagaal ma jiri karo isagoo sifo Diimeed wata  Walow la leeyahay waxaa jira qodobo wali laga hadlayo oo Soo bixi doono Maalamaha soo socda  hadaba waa kuwan qodobadii ee Hoos ka aqriso 

بسم الله الرحمن الرحيم

Go’aamada iyo Bayaanka Shirka Culumada Soomaaliyeed

Culumada soomaaliyeed fadhi ay ku yeesheen magaalada Muqdisho taariikhdu markay ahayd 19-24/ Safar/ 1430H oo ku began 14-19 bisha Febraayo 2009 kaas oo ay kasoo qaybgaleen Culumo waaweyn oo ka kala timid dalka Gudihiisa iyo dabaddiisa, laguna dhisay Hay’adda Culumada Soomaaliyeed, looguna doortay inuu madax ka noqdo Sh.Bashiir Axmed Salaad. Shirkaas oo ay Culumadu kaga wadahadleen xaaladda dalka uu marayo, iyo dhibaatoyinka taagan waxa ay soo saareen Go’aammadaan iyo qaraaraadkaan soo socda:-

 

  1. Dhiigga Muslimka ee xaqdarrada lagu galo

Waxay Culumadu caddaynayaan inay xaaraan tahay sharci ahaan in qof muslim ah daadiyo dhiigga dadka muslimiinta ah ee soomaaliyeed, si gaadmo ah iyo si bareer ah midnaba, ama sabab loo noqdo, ama uu ku xadgudbo Xoolihiisa iyo sharafkiisa, waxaana arrinkaas ka dhalanaya khasaare adduunyo iyo mid aakhiro, waxaana waajib ah in qof kasta oo horay u galay dhiigga qof muslim ah si sharci darro ah inuu towbad keeno, naftiisana u dhiibo una gacan galiyo ciddii uu dhiigga ka galay (dhaawacay) ama dadka leh dhiiggiisa (hadduu dil dhaco).

  1. Xadgudubka Diineed

Waxay Culumadu caddaynayaan:-

  1.  
    • Inay waajib tahay in lagu dhago laguna toosnaado Manhajka Ahlusunna waljamaca ee dhexdhexaadka ah dhammaan arrimaha diineed ee qofka muslimka ah, lagana fogaado wax alla wixii xadgudub ama gaabin diineed ah, gaar ahaan arrimaha dhiiga, xoolaha, iyo sharafka Qofka muslimka ah sida uu allahba yiri S.W: {وكذلك جعلناكم أمة وسطا لتكونوا شهداء على الناس}
  1.  
    • In dhammaan arrimaha diineed looga danbeeyo loolana laabto culumada ku xeesha dheer aqoonta diineed, laguna yaqaan Ammaano, Daacadnimo iyo Alla ka cabsi, gaar ahaan waqtiyada Fitnadu jirto, sida uu allaahba yiri S.W. { وإذا جاءهم أمر من الأمن أ والخوف أذاعوا به ولو ردوه إلى الرسول وإلى أولي الأمر منهم لعلمه الذين يستنبطونه منهم….}
  1.  
    • In laga digtoonaado ku degdegidda Gaaleysiinta ruuxa muslimka ah iyo riddo ku xukunkiisa, taas oo lagu banneysanayo dhiiggiisa, xoolihiisa iyo sharafkiisa, maxaa yeelay xukunka arrinkaas waxaa geli kara oo kali ah Culumo u khaas ah, kuwaasoo cuskanaya ama tixgalinaya Xuduudaha uu sharcigu u dhigay arrintaas oo ah:-

– Inay qofka ka dhacdo arrin keeni karta gaalnimo dhab ah

– In la helo Shuruudaha sharcigu u dhigay gaalaysiinta

Shakhsiga.

– In laga waayo wax ka horjoogsada in lagu rido Xukunkaas

Gaalaysiinta ama ridada ah.

· Waxaa xadgudub diineed ah Dilka, afdubka, dhaca, iyo dhibateynta loo geysanayo hay’adaha iyo dadka gaarka ah ee ku soo galay waddanka Dammaanadda jiho ama qof Muslim ah, hadday dhacdo inay ku kacaan hay’adahaas ama shakhsiyaadkaas wax xadgudub ku ah dadka diintooda ama akhlaaqdooda, waxaa waajib ah in lagala xiriiro cidda Damiinka ka ah.

  1. Dhaqangelinta Shareecada Islaamka

Maaadaama ay sharecadu tahay waajib diini ah, dalabka shacabka, Furaha Amniga iyo Musaalaxada, waxaa wajib ku ah dowladda ianay qaadato go’aan cad oo ah ku dhaqanka shareecada Islaamka si Buuxad, si ay taasi u dhacdana waa in baarlamaanku soo saaro si dhab ahna ugu dhawaaqo arinkaas muddo sagaashan cisho gudahood ah laga bilaabo 01/03/2009. taas oo asaas u ah taageerada shacabka iyo kalsoonidiisa.

4. Axdiga Ku meelgaarka ah

Kadib markay Culumad dib u eegeen Axdiga ku meel gaarka ah ee dawladda waxaa uga soo baxay qodobbo ka hor imaanaya shareecada islaamka, islamarkaana ka hor imaanaya qodob isla Axdiga ku yaalla oo xusaya: – in shareecada islaamku saldhig u tahay shuruucda qaranka – sida ku cad Qodobka 8’aad, faqradiisa 2’aad, sidaa darteed waxaa waajib ku ah dowladda inay ka saarto Axdiga ku meelgaarka ah qodob kasta o ka hor imaanaya shareecada islaamka, si taas loo helana waa in loo xilsaaraa Dib u eegidda Axdiga iyo sixidiisa Culumo ku xeel dheer Shareecada Isalaamka laguna kalsoonyahay Ammaanadooda iyo Cilmigooda.

5. Ciidamada Shisheeye

Kaddib markaan miisaanka sharciga ah saarnay arrinka ciidamada

Shisheeye ee wadanka joogo, waxaa noo soo baxay arimaha soo socda:-

· Ciidamada wadanka joogo kuma imaan qaab waafaqsan shareecada Islaamka iyo doonista shacabka midna.

· Ciidamadaan sii jogitaankoodu waa mid aysan shareecadu ogolayn ummadduna aanay raalli ka ahayn.

· Joogitaankoodu waxaa uu dhib ku yahay ummadda diinteeda, Anshaxeeda, Amnigeeda iyo madaxbananideeda.

Sidaa darteed waxaa waajib ku ah dowladda:-

· Inay dalka ka saarto ciidamada hadda joogo ugu badnaan mudo 120 cisho gudahood ah taas oo ka bilaabanaysa: 01/03/2009.

· Habka lagu saarayo waa inuu noqdo hab aan dagaal ahayn, sababta oo ah:-

– Shareecadu waxa ay qabtaa in hadafka lagu gaaro hadba dariiqada ugu fudud uguna dhib yar ee aan sharciga khilaafsanayn.

– Waxaa waajib sharci ah Xifdinta Dhiigga, Hantida iyo sharafka shacabka, oo aan sabab loo noqon dhibaato gaarta ayadoo la baajin karo.

· Mudadaas gudaheeda waa in aysan ku kicin Ciidammada hadda jooga falal dhaqdhaqaaq dagaal, isbaahin iyo dhibaatayn shacab toona, iygana waa in aan la weerarin.

· Waa in aan sinaba loo soo kordhin, ama aan loo keenin Ciidamo kale oo cusub.

6. Mujaahidiinta ka soo horjeeda dowladda

Waxaa waajib ku ah mujaahidiinta dowladda ka soo horjeeda, isla markaana ah maslaxad sharci ah, ummadduna ka sugeysaa arrimaha soo socdo:-

· Inay wax ka abuuraan Jawi nabadeed iyo fursad lagu xaqiijin karo arrimaha aan ku soo xusnay qodobbada ( 3,4,5 ) isla markaana ka qaataan kaalin sidii loo suurtogalin lahaa fulinta arrimahaas.

· Ianay ka fogaadaan wax alla iyo wiixii keeni kara dagaal af iyo addinba, inta lagu guda jiro fulinta arrimahaa kor ku xusan.

7. Haddii sida la soo sheegay wax u fuli waayaan

Haddii uu yimaaddo xad gudub lagu sameeyo fulinta go’aammada kor lagu soo xusay, amaba lagu fulin waayo xilligii loo qabtay, Dhinac kali ah go’aan ma qaadan karo, waxaase arrinkaasi uu u noqonayaa oo caddeynaya Hay’adda Culumada Soomaaliyeed, waxaana Go’aan ka gaaraya Ahlul xalli Walcaqdiga .

8. Musaalaxada iyo heshiisiinta

In la heshiisiiiyaa dadka walaalalaha ah waa waajib sharci ah,

Waxa ayna ka mid tahay waxyaabaha waaaweyn ee allah

Loogu dhawaado S.W. sida uu Allah yiri:

{ لاخير في كثير من نجواهم إ ن مر بصدقة أو معروف أو إصلاح بين الناس}

Rasuulkuna wuxuu yiri S.C.W:

” ألا أدلكم على أفضل من درجة الصلاة والصيام والصدقة؟ قالوا بلى يا رسول الله صلى الله عليه وسلم، قال: إصلاح ذات البين، فإن فساد ذات البين هي الحالقة، لا اقول انها تحلق الشعر ولكنها تحلق الدين” أخرجه أحمد والترمذي وابن حبان وغيرهم من حديث أبي الدرداء.

Sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah inay ka fogaadaan wax alla iyo Wixii keeni karaya dagaal iyo dhiig dhexdooda ka daata af Af iyo addinba, taas oo keeni karta halaag aduunyo iyo mid aakhiro.

Waxaan ugu baqeyna in si degdeg ah ay u joojiyaan wax alla iyo waxii sabab u noqon kara kala fogaanshaha, kala tagga iyo is nacaybka.

Waxaan ugu baaqeynaa inay isu dhimriyaan isun dabacsanaadaan. Waxaan ugu baqeynaa in cid waliba ogaato in wadajirka oo kali ah lagu xaqiijin karo waxa alle raalliga ka yahay, ummaddana maslaxaddeeda ah.

Waxaan ugu baqeynaa in mashaakil walba oo la soo darsa dadka walaalaha ah dhexdooda in lagu xalliyo wadahadal si waafaqsan shareecada islaamka, lagana hor mariyo danta guud midda gaarka ah, Hay’adda Culumaduna waxa ay sii wadeysaa Musaalaxada iyo Heshiisiinta inta ay ka mirodhalayso inshaa’allah .

9. Waxaan ugu baaqeynaa dhamman shacabka Soomaaliyeed

(shacabka, Mujaahidiinta ka soo horjeeda dowlada, Baarlamaanka & Xukuumadba gaar ahaan kuwii dalka cadowga keenay inay Towbad keen dhab ah la yimaadaan diintoodana qabsadaan, culumadoodana ka danbeeyaan, gacmahana isqabsadaan, xaqqana isuguna kaalmeeyaan.

Ugu dambeyn culumadu waxay u tacsiyeynayaan dhammaan ummadda soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaartay xilligii la soo dhaafay naf iyo maalba waxayna allaah uga baryayaan inuu siiyo badel khayr qaba, dhaawacoodana bogsiiyo dhibaatadoona xaliyo.

 

وبالله التوفيق

Shirka Culumada Soomaaliyeed

buqaqable@yahoo.com

buqaqable@windowslive.com

One Response

  1. […] Maanta oo kale 19 February 2009 Shirweyne ay ka soo qeyb galeen ku dhowaad Sideetan 80 Cullimaa,udiinka Soomaaliya Kuwooda ugu Magaca weyn ah oo mudo dhowr maalmood ah ka socday Hotel Guuleed oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray Sagaal qodob oo ay ka mid ahaayeen in Ciidanka AMSIOM ay mudo Sagaashan habeen ah wadanka uga baxaan Mucaaradkana ay xabada joojiyaan Sadaxdaas bilood si loo wadalsiiyo iyaga iyo Dowlada Sh Shariif oo maalmahaasna un xamar soo gaartay   ( Halkan Ka Aqri)  […]

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: