Taariikhda Waxbarasho & Shaqo Ee Wasiirka Dib-U-Dejinta iyo Gargaarka Aadamiga Dowlada Midnimada Qaran Sheikh Maxamud Cabdi Ibraahim (Garweyne).

Shaqo 

WASIIRKA DIB-U-DEJINTA & GARGAARKA AADAMIGA SHEIKH MAXAMUUD CABDI IBRAAHIM (MAXAMUUD GARWEYNE)

1965 Waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho
1971-1979 waxaa uu ku dhameeyay Quraanka Kariimka ah iyo dugsiga hoose dhexe ee (1 LUULYO) magaalada Muqdisho.
1979-1981 waxaa uu dhiganayay dugsiga Tababarka Macalimiinta ee Xalane. (Halane Teacher Institude).
1981-1982 waxaa uu Macalim kanoqday dugsiga hoose dhexe degmada Luuq.
1982-1984 Macalin dugsiga hoose dhexe Xasan Qariidi.
1985-1986 Macalin Dugsiga Sare Muuse Galaal.
1987-1990 waxaa uu ku laabtay waxbarashadiisa kuliyada waxbarshada lafoole (Lafole College of Education) ayuu kabaxay.

Burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya kadib waxa uu kashaqeeynayay.

1991-2002 waxa layiraah (WALFARE PROJECT SOCIETY) oo ah jamciyada qayriga ah fulisa mashaariicda qayriga ah waana sidan waxa uu kasoo ahaa,
1991-1992 wuxuu xubin ka ahaa Jamciyada Khayriga ah ee (WALFARE PROJECT SOCIETY),
1993-1996 waxaa uu noqday madaxa qaybta waxbarashada Jamciyada,
1997-1998 waxaa uu ka shaqeeyay qaybta waxbarashada iyo daryeelka Agoonta,
1999-2002 (Puplic relation) ayuu ugu shaqeeyay Jamciyada oo ah cilaaqaadka Jamciyada.
2002-2003 waxa uu Master degree ku diyaariyay Jaamacada Suudaan (MAAMULKA WAXBARASHADA).
2004-2006 isla jaamacada afriiqiyah suudaan ayuu kudiyaariyay (PHD) (Educanal Supervision) oo ah kormeerka waxbarashada.
Dr. Maxamuud 2 

Dr.Maxamuud

Dr.Maxamuud 3

Sheikh Maxamuud Garweyne waxaa uu weligiis ka tirsanaan jiray kadib dowladii dhexe Dalada Culimada Soomaliyeed kadibna waxa uu 2006-dii markii uu soo qaatay (PHD) ku biiray kacdoonkii Shacabka ee ka bilowday magaalada Muqdisho waxaa uuna ku jiray ( Majliskii Shuurada) ee ka koobnaa dhowr iyo Sideetanka xubnood waxa uuna ahaay kuxigeenka xoghayaha waxbarashada ee Maxkamadaha.
Dr.Maxamuud 4
2007 waxaa uu kamid noqday dadkii magaalada Asmara ee wadanka Eritrea kusoo dhisay Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya.
2008 waxaa uu noqday Xildhibaan kadibna waxaa uu kamid noqday Wasiirada uu magacaabay Ra’isal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke.
Waxaa uuna kujiray labada gole midkii fulinta iyo kii golaha dhexe, waxowna uqabtay xilka ah xoghayaha Samafalka, illaa Jabuuti looga soo wareego.
Sidoo kale waxaa uu kamid ahaa dadkii Aabaha u ahaa wadahadaladii dib u heshiisiinta ahaa ee kadhacay dalka Jabuuti, waxaa uuna noqday Xildhibaan kasoo galay dhinaga Isbaheysiga kadibna waxaa loo magacaabay Wasiirka (DIBUDAJINTA IYO GARGAARKA AADAMIGA).

Sheikh Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) waxaa intaas u sii dheer ka qayb galka Work-Shop yo badan oo  ka dhacay gudaha dalka iyo dibadaba, sidoo kale howlo fara badan oo ay ugu muhimsan yihiin Musaalaxada, Tababarida Macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada nidaamiga ah iyo kuwa Qur’aanka, iyo howl Samafal oo kala gadisay.

Leave a Reply