Wafdi uu hogaaminayo R/Wasaare Nuur Cadde Ayaa u dhoofay Maanta Wadanka Djibuti
Halkaasoo ay ka bilaabanayeen Wadahadaladii Isbaheysiga iyo Kooxda Qunyar Socodka Mbghati uga Socday maalmahan dambe
Wafdiga Nuur Cade Ayaa waxaa ka Mid ah Axmed C/Salamaan oo Ah Kuxigeenka Nuur Cade ahna Madaxa Wafdiga Siyaasada Ee Shirka Djibuti .
R/Wasaare Nuur Cadde iyo Wafdigiisa ayaa la Filayaa in ay kala Hadlaan isbaheysiga sababtii Keentay in ay Ciidamada Cadowga
Ka Bixi waayeen goobihii lagu Heshiiyay iyo waqtiga Dhinaca kale waxaa isna na soo gaaraya War Sheegaya in C/laahi Yuusuf uu asna Ka soo Dhaqaajiyay Magaalada Nairobi isagoo ay la socdaan Yusuf Azhari iyo Dhowr xubnood oo ka tirsan Xilmadhibaanada Mbghati kuwooda la dhacsan fikirka Cabdullahi yusuf
Cabdullahi Yusuf oo maalmo ka hor ka dhacay khadka Siyaasada ayaa doonaya in uu isu muujiyo nin nabada ka shaqeeynaya hadana waxaa laga yaabaa in lagu kala tago kulanka wadahadalka maadaama uu ninkan ku sifoobay qas wade soomaalidana si wanaagsan u yaqaana
Filed under: "somalia, Buqaqable | Tagged: "somalia, Buqaqable




















