Baabuur UD-Ah oo Raashiin U Siday Ciidanka Cadowga Ayaa La Gubay iyadoona Ay Sagaal Askari Ku Baqtisay Kadib Dagaal Xoogan oo Maanta Mar Kale Ka Dhacay Wadada Warshadaha .

1-2-55e24 War ka imaanaya magaalada Muqdisho Ayaa Sheegaya in Maanta Ciidanka Cadowga ee degan Warshada baastada oo dhowr Maalmood lagula jiray

Dagaalo aan kala go,o laheyn maanta laga gubay Baabuur UD ah oo u Socday Ciidamada warshada Baastada dagan una siday sida la Sheegay raashiin Quraac ah

Ciidamada Itoobiya ee halkaas fariisinka ku leh, intaas kadib ayay Xoogagga Kacdoonka Gaar ahaan kuwa Maxkamadaha Islaamka ku Gubeen Baabuurkan si gaadmo ah kadib markii ay la heleen Qoriga loo yaqaan Baasuukaha.Inta la hubo 8-kamid ah ciidamada Itoobiya oo saarnaa gaariga ayaa goobta ku baqtiyay,iyadoo Gaarigana uu goobta ku basbeelay, waxaana markaas kadib ay ciidamada Itoobiya duqeyn ba’an u Geysteen deegaanada ku teetsan warshadda Baastada.

Xoogagga Maxkamadaha ee gaariga gubay ayaa markaa kadib iska horimaad la galay ciidamada Itoobiya, waxaana ilo lagu kalsoon yahay ay xaqiijiyeen in khasaare xooggan la gaarsiiyey ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku leh warshadda Baastada ayaa dhowr jeer oo hore waxaa laga gubay gawaari cunno iyo biyo u daabulayey, waxaana tani ay qeyb ka tahay dagaal ay xoogagga Kacdoonku kula jiraan ciidamada Itoobiya ee dalka xoogga ku soo galay.

Leave a Reply