Faah faahinta Dagaaladii Maanta Muqdisho Ka Dhacay oo Ay 19 Askari Kaga Baqtisay Ethiopia Goobihii iyo Qasaarooyinkii Ay Geysteen

AskariDagaalo culus ayaa Saaka ilaa galabta Ka dhacayay qeybo kamid ah Degmooyinka

Wardhiigley, Yaaqshid, iyo Hurwaa iyadoona ay dhamaan goobahaas ku leeyihiin

Xarumo Ciidanka Cadowga iyo kuwa Daba dhilifka dagaaladan ayaa Waxaa Ka qeyb qaatay dhamaan garbaha ka Soo Horjeeda Gumeysiga in kastoo ay ugu xoog badnaayeen

Ciidamada Midowga Maxkamadaha Kuwaasoo maalmihii ugu dambeeyay ku jiray xabad joojin aan la Shaacin ayaa Bilaabay waxii ka dambeeyay labaatankii bisha kadib

Markii la ogaaday in ay Xabashida isku dayeysay inay bal fiiriso inay iska sii joogi karto iyo inkale Maadaama ay xabada ka yaraatay maalmihii la soo dhaafay sidaas darteedna ay Maleeyeen in ay Dhamaadeen Xornimo doonkii iyo muqaawamadi

Dagaalka oo ahaa mid aad u qaraar ayaa ka dhacay dhowr fariisimo oo ay ciidamada Cadowga leeyihiin  iyo kuwa dabadhilifka waxaana fariisimaha la weeraray ka mid ahaa isgoyska Florence, Cali-kamiin, Carafaat, Ceymiska, Warshadda Baastada iyo Xeyla-bariise.

Afhayeenka dhanka howlgalada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Cadow oo la hadlay warbaahinta Gudaha ayaa sheegay inay dagaalka ku dileen inka badan 9-askari oo ethiopian ah kuna dhaaweceen 3-kale  waa dagaalkii galabta waxaana jiray in saaka subixii hore ay

Ciidamada Maxkamadaha Qarxiyeen Gaari UD ah kaasoo raashiin u Siday Ciidanka Cadowga Ee Ku Sugan Xarunta Warshada Baastada halkaasna ay ku baqtiyeen sagaal ka mid ah askar ilaalo ka aheyd . waxaa kaloo jiray in laga soo saaray dhamaan ciidankii Cadowga Ee Saaka ku faafay Xaafado badan

Dhinaca kale Maxamed Aadan Koofi oo isna afhayeen u ah Maxkamadaha Islaamka garabka ka madaxa Banaan isbeheysiga dib u xoreynta ayaa sheegay in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen, islamarkaana ay dileen 10-askari oo isugu jira ciidamada dowladda KMG ah iyo askar Itoobiyaan ah.

buqaqable@yahoo.com

buqaqable@windowslive.com

Leave a Reply