• Watch videos at Vodpod and other videos from this collection.
  • RSS Somali VOA

  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    madaxweyne Sh Shariif oo dagaal ku jira

    Ciidanka AMISOM oo dagaal isudiyaarinaya

    Meyd jidka yaala oo aanay cidna aqoon

    Dagaalka Muqdisho

    isbaheysigii Asmara  (bidix) Xasan daahir (dhexda) Jaamac Cali Jaamac (Midigta dhow ) Shariif Xasan

    Sh Shariif oo Jamaaca Dushinaya

    Zenawi oo Shariif ka ilaalinaya Meel dhow

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 25 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

  • Xiliga TFG da u Harsan

    Dhamaadka Xiliga Madaxda TFG daAugust 20th, 2012
    2 months to go.

Xaflad Si Weyn Loo Soo Agaasimay Ayaa 117 Arday Lagu Gudoonsiiyay Shahaadooyin Kuwaasoo Ay Waxbarasho Uga Soo Dhamaatay Magaalada B/weyne


Arday Xaflad qalin jabin oo si heer sare ah loo Soo agaasimay ayna ka Qeybgaleen ku Dhawaad 117 arday laguna Gudoonsiinayay

Shahaadooyin ayaa ururka Dhalinyarada ee kanava ku qabteen Magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Munaasabadaan qalin jabinta ah ayaa Waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta  ka tirsan

Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan odayaasha dhaqanka Maamulayaasha dugsiyada waxbarashada gobolka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha xarunta ururka dhaliyarda ee kanava Max’ed Axmed Faarax (saney) oo ugu horeyn waxbixin ka bixiyay xarunta iyo wax-qabdkeeda waxuuna sheegay in Xarunta ay tahay meel hormarinta dhalinyarada iyo wacyi galintooda loogu talo galay,sida dhalinyarada Buufiska qabta ee  tahriibka u heelan 

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay tahay goob xirfada loogu abuuro dhalinyarada aan lahayn aqoonta Taasoo ay ku shaqeysan karan, waxaana uu intaasu ku daray in mar walba ay u taagan tahay xaruntu sidii loo soo saari lahaa dhalin leh xirfad wax tar u ah mustaqbalkooda.

Sidoo kale max’ed saney waxaa uu intaasi raaciyay in 7dii bilood ee ugu dambeysay ee ay xaruntu furneyd Ay wax ka baran jireen ku dhawaad in ka badan 300 oo arday balse dagaaladii ka dhacay gobolka ay taasi Nusqaamiyeen 117da haatan qalin jibinayana ay yihiin kuwii ka haray ardayda oo u soo xusul duubtay in Ay dhameystaan yoolkooda waxbarasho.

Mas’uuliyinta munaasabada ka hadashay waxaa ka mid ahaa sarkaal ka tirsan maamulka maxkamadaha Islaamka ee gobolka oo la yiraahdo shiikh c/laahi farey waxuuna marka hore amaan u soo jeediyey Xarunta kanava iyo maamulkeeda waxuuna ka codsaday dadaalka ay u galeen in ay soo saaraan arday Dhalinyaro ah oo intaasi la eg in ay sii labo laabaan si loo helo dad wax yaqaano oo ka qeyb qaato Maamulka dalka.

Dr. Axmed Dhaqane Cali oo ah madaxa Dugsiyada gobolka oo isna lagu casuumay xaflada hadalo qiiro lehna ka soo jeediyay ayaa sheegay in Kanava ay taariiq lama ilaabaan ah ay ku soo kordhisay Waxbarashada gobolka isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay madaxa xarunta kanava oo uu sheegay in Xarunta intii ay jirtay ardaydu wax ku baranayeen lacag la’aan taasina uu dadaalkeeda lahaa isagu.

Ka sakow hambalyada iyo mahad celinta loo jeedinayo ururkan Kanava ayaa waxaa dadbadani is weydiin karaan waxa uu yhay ururkan kanava iyo waxa uu qabto?, ardayda ka qalin jibisay xarunta ayaa waxaa ay ka barteen qeybaha Computerka sida Software,Hardware iyo waliba (xog-haynimada)

Sidoo kale Kanava waa NGO maxali ah oo ka shaqeeyo arrimaha dhalinyarada iyo shaqo u abuuristooda Gaar ahaan kuwa aan lahayn aqoonta iyo xirfado intuba waxaa sidoo kale xaruntu ka shaqeysaa dhinaca isbortiga oo ah is dhaxgalka dhalinta isagoo noqonayo NGOgii ugu horeeyay ee ku guuleysta in uu soo saaro dhalinyaro intaasi la eg oo wax taqaano.

 

 

Source;Al-Maxaalim.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 25 other followers