Degmada Ceeldheer oo laga Soo Sheegayo Abaabulo Dagaal oo Xoogan Kadib Dagaaladii dhex Maray Kooxda Al-Shabaab iyo Qolooyin u badnaa ganacsato Qaadley Ah oo ay ka joojiyeen Al-Shabaab Keenida iyo iibinta Jaadka

Wararka naga soo gaaraya Gobolada Shabellada dhexe iyo Galgaduud ayaa Sheegaya in ay jiraan
Gurmad xoogan oo ka baxay labadaas Gobol kuna sii jeeda Deegaanka Ceeldheer oo ay shalay
Ku dagaalameen kooxo ganacsato qaad Ahaa iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab kadib
Markii ay Kooxda Al-Shabaab Mamnuuceen in lagu iibiyo ama lagu isticmaalo Gudaha magaalada Ceeldheer jaadka iyo Sigaarkaba
Ciidankan gurmaday [...]

Kooxda Al-Shabaab Ayaa Wada Dhul balaarsigii ugu Weynaa Labada Jubba Kadibna Waxay u Soo Dhaqaaqeen Dhinaca Shabellada Hoose

Dhageyso:-Maleeshiyaad fara badan oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta dagaal ku Qabsaday
deegaanada Qoryooley iyo Buulo Mareer, halkaasoo ay Salka dhigteen Xarumiha maamuladii ka talinayay goobahaas  .
Saaka ayay aheyd markii ay soo galeen Magaalada Qoryooley Maleeshiyo aad u fara badan oo katirsan
Kooxda Al-Shabab kuwaasoo ka yimid sida la sheegay dhinaca Buur-Hakaba  kadibna waxa ay bilaabeen [...]

Majmaca Culimaa,udiinka Soomaaliyeed oo Ay Kulamo Joogto Ah Uga Socdaan Gudaha Magaalada Muqdisho iyagoona Maanta La Kulmay odayaalka Dhaqanka

Hogaanka Gudaha ee Midowga Maxkamadaha islaamka ayaa kulan Muhim ah Shalay la qaatay
Gudiga Majmaca Culumaa’udiinka Soomaaliyed ee dhowaatan la aas Aasay kuwaasoo isu
Xilqaamay dhex  dhexaadinta Garabyadii iyo Hogaankii Maxkamadaha oo kala qeybsamay . Afhayeenka howlgalada Maxkamadaha Islaamka
Sh C/raxiin Ciise Caddow oo Saxaafada uga warbixinayay kulankaas  ayaa sheegay in ay isku af garteen dhamaan waxyaabihii ay [...]