Dagaal u Dhexeeya Maleeshiyaadka Mbghati oo isku Heysta Isbaaro u Taalay Isgoyska Fagax Ayay Dad Rayid Ah Wax Ku Noqdeen

Labo qof ayaa geriyootay oo uu midkood rayid ahaa kadib dagaal maanta dhexmaray
Maleeshiyaadka Mbghati oo isku haystay gacan ku heynta isbaaro u Taalay isgooyska
Fagax ee degmeda Yaaqshid . Dagaalkan oo socday mudo ayaa yimid kadib markii ay halkaas soo gaareen
Maleeshiyo ka socota Mbghati oo iyagu shalay qaadayay isbaarooyin Ay leeyihiin Maleeshiyo
Ka amar qaadata Maxamad Dheere [...]

Dilal Aan la Aqoon Cida Geysatay oo Xalay Ka Dhacay Gobolada Gedo iyo Shabellada Hoose Dadka La Dilay Ayaa Iskugu Jiray Ajaanib iyo Soomaali

Nin Kenyaati ah oo dhowaan Muslimay ayaa xalay lagu dilay degmada Belad xaawo Magaala Madaxada Gobolka Gedo lama oga
Sababta ka dambeysa waxaase la og yahay in ay kooxo hubeysan Geysteen dilka ninkan .
Kooxo hubeysan ayaa ku dilay ninkan xili uu ku sii Socday guri uu ka Daganaa magaalada B/Xaawo Falka oo ka dhacay xaafadda
Dhabad [...]