Ururka Al-Shabaab Ayaa Maanta Meel Fagaare Ah Ku Karbaashay Laba Nin Reer Muqdisho Ah Kadib Markii Ay Ku Eedeeyeen Inay Dhibaatooyin U Geysteen Qoys Soomaaliyeed

dhuxuKooxda Al-Shabaab ayaa galabta meel fagaare ah xukun garbaash ah Ku fuliyay laba nin oo ay ku eedeeyeen inay qoys soomaaliyeed oo dagan magaalada Muqdisho dhibaato u geysteen

Labadan Ruux ayaa lagu fuliyay xukunkan garbaashka ah deegaanka Suuqa Xoolaha

Gaar ahaan  agagaarka Xeradii Maslax oo bilo ka hor fariisin u ahayd  Ciidamada Ethiopia 

Xukunkan Garbaashka ah ayay ka soo qeyb galeen dadweyne fara badan oo Xaafada suuqa xoolaha dagan kuwaasoo isugu soo baxay si ay u daawadaan falkan .

Waxaa ka soo qeyb galay Xukunkan Saraakiil ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo nin Lagu sheegay Qaadigii xumay dacwadan uu ka mid ahaa waxaa kaloo ka mid ahaa ( HALkan Riix Maantana Waxay Joogtaa in Suuqa Bakaara Lagu Waro Xubanaha Dadka)

Nin lagu magacaabo Jeneral Abuu Saliim oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab in kastoo  Aan dadka ka soo qeyb galay badankood wajigooda la arki karin oo ay cimaamado ku Dubnaayeen

Dhageyso intaas kadibna waxaa yimid Maleeshiyo Shabaab ka tirsan oo Kontomeeyo ku dho Dhowaa kuwaa sameynayay  dhoola tus iyo muujjin ay muujiinayeen inay xoog ku leeyihiin xaafadaas oo waxa ay marayeen laamiga iyagoo laba saf ku socda baabuur Ay qoryo saaran yihiin oo laba ahna wata

Si kastaba ha ahaatee waxaa uu khilaaf xoogan ka jiraa xukunada ay fulinayaan maleeshiyaadka ama kooxaha aan ka talinin wadan ama aan aheyn dad loo doortay inay dhul, xukumaan ayna dhacda inta badan in ay ku fududaan ama ku qaldamaan xukunka ay fulinayaa sidii horeba u dhacday dhowr jeer

Marka laga soo bilaabo sanadadii sagaashamaadki oo uu Sheikh Cali dheere Xukuno badan oo aan cadaalad ku saleysnayn ka fuliyay waqooyiga Muqdisho kadib uu ku dhamaaday xukunkiisi isagoo hadana ka tirsan kooxda Mbghati dhinaca kale

Aqri

Waxaa jiray bilowgii Sanadkii 2006da inay maxkamad ku taala magaalada muqdisho oo ay koox leeyihiinalsh1

Xukuntay nin ka tirsan beelaha laga tirada badan yahay kaasoo inta geed lagu xiray Qof loo dhiibay midi ilaa uu ka dhinto midi hadba meel laga gelnayay taasoo aan Waafaqsaneyn shareecada islaamka ugu dambeyna waxaa jijray dhamaadka bishii Tagtay in ay

Gabar lagu sheegay 14 jir una soo dacwootay maxkamad ay leeyihiin xoogagaga  Magaalada Kismaayo haystagabardhagaxdil2

maalmo yar kadibna iyadoo aan maxkamad dheer Qaadanin inta god loo qoday dhagax nafta looga saaray

Hadaba ma cusba in somaliya qof lagu dilo sharci daro ama falal xun lagula kaco

Dadka aan awooda qabiil laheyn balse waxaa ugu xanuun badan in magaca diinta Islaamka loogu soo gabado oo hadana cadaalad daro ay wax ku dhacaan

APTOPIX SOMALIA EXECUTIONcali-xuseen-cali-oo-la-toogtayDhagdheer iyo dhurwayaa ku cunay dheeha meel baase

Dhabarkay gacmaha ugu xireen dhagaha jeexeene

Dhulka uma dilaacine godbay dhuub u galiyeene

Sida geed abuur loo dhidbay dhugasho dheehdeene

Dhowda madaxa dhagxyay  wajiga kaga dhardhaarene
Dharbaaxadan sharciga dhaafsan ee lagu dhaqaaqaayey

Dhiranaanta iyo kibirku waa xaal damiin dhumaye
Malaaigaha dhawrsada nafluhu waa ka dhiidhiyeye
Dhafoorada waxii looga dhigay dhaawac iyo haaro

Dhegta raadka dhabanada burburay dhawda iyo aada

Dhawaaqeeda qaylada sidii dhabarka loo jabiyey

Dhugashada wadnaha tagey kuwii dhidibta aasaayey

Dhufashada xanuunkaa kuwii dhool cadaynaayey

Dhashta dhagaxa dhiigeeda waa tii la dhaygagaye

Dhaawaca nin gaystow adiga kuu dharaar baase

Dhaliil malaha diinteenu waa nuur la dhaataye

Dhacdadaan dhaleecda huwani, Maaha, dheeldheele

Dharaartii Ilaah la hortagoo ay dhamaad gaarto

Dhobo dhoboda dhididkiinu sow dhoorka qoynmaayo

 

6 Responses

  1. illaahi waxan kabaryaya allshabaab inuu dhuka lagoyaa mskinta weey baa bi.iyeen

  2. waxaa doqon nimo ah in dad somali sheeganayo ay wax xun ku sheegaan ku dhaqanka shareecada waa su’aale
    miyeeydaan dalka wax ku leheen miyeeydaan ku fekerin in dacwad islaami ah leydiin saarin miyeeydaan ka baqeeyn in cadaabta aad shidaal u noqotaan .
    gaalo jaceyl dadbaa ku halaagsamay hortiin
    dalna dadkiisa leh

  3. diin la`aan ayaa al shabaab u geystay waxa ay sameynayaan, hadii ay cilmi u lahaan lahaayeen waxa ay sameynayaan uma bareereen cause qof diin leh wan naqaanaa.
    marka waxaan alaah ka baryayaa inuu naga qabto al shabaab awood ka ballaaran ayna awoodin qoorta u suru oo ka celisa dhibaatata ay somalidu ku haayaan.
    amiiiiiiiiiiiiin
    aan duceysano walaalayaal

  4. [...] ay Xukumadan dhacaan kadib soo baxdo in aanay marin Cadaaladii iyo Dariiqii Saxda ahaa    Dambiga ka Dhaca Kismaayo ama ay galaan kooxda haysata [...]

  5. the somali people are gettin crazy
    i hope the al shabbab die all of them
    i hope the somali people gets better inshallah
    allahuakbar

  6. [...] Aan waliba la soo gaadin Sida ay aalaaba tahay Sirta Milatari balse maalin ama laba ka hor loo soo sheegayay in duulaan lagu soo yahay   Fiiri [...]

Leave a Reply