
- Jendayi Frazer
Dhageyso Jandayi Frazer Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika ayaa sheegtay in Dowladda Mareykanka taageersantahay dadaalka dib u heshiisiineed ee ka socda dalka Jabuuti, iyadoo si gaar ah u soo dhaweysay heshiiskii Jabuuti ku dhex maray Mbghati iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta soomaaliya . Iyadoo ka hadlaysay kala qeybsanaanta ku timid xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta gaar ahaan khilaafka soo dhex galay Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo Sheekh Shariif waxa ay sheegtay inay ka walacsan tahay xaaladda Isbaheysigaas, waxayna inkirtay sheegashada Sh Daahir Sheegtay in loo doortay Guddoomiyaha Golaha fulinta Isbaheysigaas, iyadoo dhanka kalena sheegtay in Hogaanka Isbaheysiga uu Jabuuti ku sugan yahay Heshiiskana taageeray .
Sheekh Xasan Xasan Dahir Aweys haddii uu rabo in Liiska Argagixiisada laga saaro waa inuu ka qeybgalaa wada hadalada socda ayay tiri Frazer
Waxay sheegtay in Xukuumadda Mareykanka ay taageersan tahay qorshaha Ciidamada Qaramada Midoobay lagu geynayo Soomaaliya, sidoo kale waxaa ay ka been sheegtay in Mareykanku ka dambeeyay duulaankii Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya iyadoo turi aniga Shaqsiyan waan la hadlay Itoobiyanka inay ka joogan galitaanka gudaha soomaaliya, balse dhibaatada ka jirta Soomaaliya way ka horeysay gelitaanka Ciidamada Itoobiya, waxayse Itoobiyanka sidaas u yeeleen sugidda ammaanka qarankooda.
Filed under: "somalia | Tagged: "somalia, 1356, bielbienne, Buqaqable Technorati Profile, Ku Soo Dhowaada Jaaliyada Soomaliyeed Ee Dagan Wadanka, News, Technorati Profile, Wararka Somalia













