War Saxaafadeed ka soo baxay Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo uu maalmahaan Shir uga socday Magaalada Djibuti

shicaarul xuriyah

Isbaheysiga Xornimo Doonka

Baaq kasoo baxay madaxda Golaha Dhexe ee Isbahaysiga oo ku sugan Jabuuti ayaa lagaga hadlay warar Maallmahan saxaafadda buunbuunisay  iyo kulan la sheegay inuu Asmara ka dhacay xilkana looga qaaday madaxda Isbahaysiga. Baaqa ayaa sidan u qornaa.

Waxaa maalamahan saxaafada iyo Ra,yiga dadweynaha qasay  warar sheegaya in Isbahasiga dib u xoraynta u qaybsamay laba garab oo kala ah garabka  Jabuuti iyo kan Asmara. Waxaan xaqiijinaynaa  in Isabahaysiga Dib u Xorayntu yahay hal mid iyo sidii lagu asaasay, wuxuuna haatan Isbahaysigu ku kulansan yahay Jabuuti. Waxa lagu sheegay garabka Asmara kama badna  shaqsiyaad ka leexday xeerkii  ururka, suurtagalna ma aha mana gaarsiisna in garab lagu sheego.

Walaalaha ku haray Asmara ama tagay ma laha kulankooda iyo go’aannadoodu wax sharciyad ah marka la eego xeerka lagu aasaasay ururka ee u degan oo aan qodobadiisa halkaan ku xusi  doonno.

Gafafka lala yaabo ee meel ka dhaca weyn ah ee ay ku kacaan waxaa ka mid ah inay sheegteen inay xilka ka qaadeen labada gudoomiye ee Isbahaysiga, waxayna gadaal ka sheegeen inay xubno badan ka saareen ururkii Isbahaysiga!

Si aan u cadayno inaysan sharci ahayn waxa ay ku kaceen ayaan halkan kuso gudbin doonnaa iyadoo ay ku lifaaqan tahay qodobka ay jabiyeen ee ku xusan dastuurkii ay xubnaha oo wada jooga gabigood ansixiyeen.

1. Kulanka Asmara ka dhacay ma aha Qaanuuni, mana waafaqsana Sharciga Isbahaysiga mana Ansaxayo

Sidan aaa ku qoran xeerka Isbahaysiga si kulan u noqdo xalaal ama mid sharci ah.

QODOBKA. 17aad Fadhiyada Golaha Dhexe ee Isbaheysiga iyo Go’aan Qaadashadda

  1. Golaha wuxuu kulmayaa sannadkiiba labo jeer haddii aysan jirin sababo keenaya in wax kabadan la qabto.
  2. Kalfadhiga aan caadiga ahayn waxaa isugu yeeri karo:
    b) Gudoomiyaha Golaha Dhexe
    t) Guddoomiyaha Golaha Isbahaysiga ahna Guddoomiyaha Guddiga Fullinta oo wayddisanaayo in uu u kulmiyo Golaha Dhexe shirka aan caadiga ahayn
    j) Iyo saddex meelood meel xubnaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga (1/3 )
  3. Kalfadhiga Golaha Dhexe waxa uu ku guntami karaa:
    b) marka ay soo xaadiraan 2/3,
    t) hadii aqlabiyadda la waayo, waxaa lagu baaqayaa kulan kale kaasoo ku ansaxaya kala bar lagu daray hal 95+1 xubnaha Golaha,
    j) kalfadhiga kale waxaa loo mudeynayaa ama loo qabanayaa muddo 15 casho.
  4. Inta u dhaxeysa labada kal fadhi Guddiga Joogtada iyo Guddiga Fullinta waxey sii wadayaan howlaha xafiisyadooda.
  5. Fadhiyada Golaha Dhexe ee Isbaheysiga waxaa gudoominaya guddoomiyaha Golaha Dhexe.

Marka aad eegto kulanka Asmara ka dhacay wuxuu khilaafsan yahah dhammaan qodoba kor ku xusan, oo isuguma yeerin Gudoomiyaha golaha dhexe iyo kan fulinta midna, mana aha mid ay codsadeen 1/3 oo xubnaha golaha dhexe mana ah kulanka mid uu gudoominayo gudoomiyaha golaha dhexe, mana ay joogaan kooramkii loo baahnaa oo ugu badnaan waxaa halkaa ku sugnaa

31 xubnood. Markaa kulanka iyo wixi kasoo baxaba kama badna inay yihiin ku tumasho sharci iyo khilaafkiisa oo qura.

2. Sharci jabin markii ay xilka ka qaadeen Gudoomiyaha Fulinta ee Isbahaysiga

Markaad eegto dastuurka Isbahaysiga qodobka 27aad ee xilweynta iyo ka qaadista Madaxa Golaha Fulinta waa sidan

QODOBKA. 27aad Xilwaayista Guddoomiyaha Golaha Fulinta iyo ku Xigeenkiisa
(B) Xilwaayista Gudoomiyaha Guddiga Fulinta

  1. Gudoomiyaha golaha Fulintu wuxuu xilkiisa waayayaa hadii ay ku timaado Geeri ama caafimaad xumo maskaxdiisa wax u dhimeysa oo u diideysa inuu hawshiisa sidii la rabay u guto oo ay caddeyaan guddi takhaatiir la aqoonsanyahay.
  2. Is casilid qoraal ah oo ay ansixiyeen 50+1 golaha dhexe ee Isbaheysiga.
  3. Maqnaasho cudurdaar la’aan ah oo gaaraya muddo bil iyo bar ah (45 maalmood).
  4. Xilgudasho la’aan joogto ah oo ay ku caddeyaan 2/3 golaha dhexe Isbaheysiga.
  5. Khiyaano qaran ama khilaaf Axdiga Isbaheysiga ah oo ay ku caddeeyaan 2/3 Golaha Dhexe.

Mar haddii waxay sameeyeen aysan ku salaysneen qodoba ku cad Qaanuunka Asaasiga ah ee kor ku xusa, waxuu noqonayaa go’aankoodu mid aan sharci ahayn oo xil ka qaadista ay sheegeen inay ku sameeyaan Sh Shariif waa mid aan waxba ka jirin oo sharciga khilaafsan.

3. Magacaabixta Gudoomiye cusub iyana ma aha mid sharci ah

Iyadoo ay ka qaadista horeba khalad tahay oo aysan ansaxayn ayaa magacaabistuna u baahan tahay in sharciga la maro oo isna sidan u qoran.

QODOBKA. 24aad Doorashada Guddoomiyaha Isbaheysiga ahna gudoomiyaha golaha fulinta.

  1. Gudoomiyaha Isbaheysiga ahna gudoomiyaha golaha fulinta waxaa soo dooranaya shirweynaha Isbaheysiga.

Markaa waxaa iyana ka cad in jagadani u baahan tahay doorasho uu kulanweynaha guud sameeyo ee ma aha wax xubno ka tirsan golaha dhexe magacabi karaan gudoomiyaha fulinta.

4. Inuusan sharci ahayn xil ka qaadista lagu sameeyey gudoomiyaha golaha dhexe

Sida ku qoran qodobka 21aad ee Qaanuunka Asaasiga ee Isbahaysiga waa sidan

QODOBKA. 21aad Xilwaayidda Guddoomiyaha Golaha Dhexe.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbahaysiga wuxuu xilkiisa ku weyn karaa sababaha soo socda:-

  1. Geeri ama caafimaad xumo oo u diideysa inuu hawshiisa sidii la rabay u guto oo ay caddeyaan guddi daqaatiir la aqoonsanyahay.
  2. Is casilid qoraal ah oo ay ansixiyeen 2/3 golaxa dhexe ee Isbaheysiga ah.
  3. Maqnaasho cudurdaar la’aan ah oo gaareysa muddo bil iyo bar ah (45 maalmood).
  4. Xilgudasho la’aan joogto ah oo ay ku caddeyaan 2/3 golaha dhexe ee isbaheysiga.
  5. Khiyaano qaran iyo khilaaf axdiga Isbaheysiga, taasoo ay ku cadeeyaan 2/3 oo Golaha Dhexe.

Mar haddii waxa ay sameeyeen aysan waafaqsanayn qodobka 21aad ee kor xusan markaasi xil ka qaadista lagu sameeyey Shariif Xasan waa mid aan waxba ka jirin sharicgana khilaafsan.

5. Sharci ma aha inay xubno ka xayuubiyaan xubanimadoodii.

Qodobka 10aad ee Dastuurka wuxuu sheegayaa sida xubinimada lagu waayo oo sidan u qoran

QODOBKA. 10 aad Waayidda Xubinnimada

  1. Inuu ka maqnaado saddex kulan oo is xigta cudurdaar la’aan qaybta uu ka tirsan yahay.
  2. Inuu iskiis isku casilo.
  3. In ay sugnaato in uu la yimaado xadgudub iyo dhaqan xumo aan ku banaanayn shareecada islaamka ama aan la socon karin ahdaafta iyo mabaadii’da isbahaysiga waxaana u furan maamulka in uu kala laabto xubinnimada haddii ay isku raacaan kalabar lagu daray hal ama 50 + 1(cod hal dheeri ah).
  4. In uu bixin waayo qaaraanka xubinnimada ururka.
  5. Ka mid noqosho isbahaysi leh ujeedooyin ka soo horjeeda kuwa isbahaysiga

Hadaba mar haddii aan xubnaha la sheegay in xubinimada laga qaaday aysan ku dhicin qodobadaa hore, aysanna jirin kalabar golaha dhexe oo hal lagu daray inay taa u codeeyeen oo ah 97 xubnood mar haddii ay halkaasi joogaan 31 xubnood ugu badnaan, waxay ka dhigan tahay tallaabo khilaafsan sharcigii ay kooxdani wax ka ansixiyeen markii Isbhaaysiga la aasaasayey.

Intaas ka dib waxaa jiro xaqiiqooyin kale oo loo baahan yahay in shacabku ogaado taaso ah in Isbahaysiga afar kooxood ka koobnaa, madaxdii afarta kooxoodna ay Jabuuti ku sugan tahay iyo weliba madaxda muqaawamada gudaha iyadoo ay kooramkiina la joogaan ansixiyey heshiiska Jabuuti.

Hadaba shanqarta aan macanaha lahayn ee ay samaynayaan kooxda Asmara ku sugan mia aha mid sharci waafaqsan ama dhaafsisan wax ay warbaahint buunbuuninayso oo ka dhiganayso waxa ay xiiso ku abuuraan ama buunbuuniyaan. Shacabka waxaan la socod siinaynaa inay midnimada dhawraan xooggana saaraan sidii dalka cadawga looga saari lahaa ee an lagu mashquulin wax iska shanqar ah aan macno samaynin.

Madaxa Golaha Dhexe ee Isbahaysiga

Shariif Xasan Sheekh Aadan

buqaqable@yahoo.com

Leave a Reply