Dagaal xoogan oo ku qabsaday galabta baabuur dagaal oo 8 gaareysay ayaa lagu gubay laba kamid ahayd sida la sheegayna u socday inay soo daabulaan mooryaan cusub oo lagu soo tababaray Godey :::

                                                               B/dogle

Kolonyo Ciidamada Mbghati ah  oo gaaraya ilaa sideed baabuurta dagaal iyo hal baabuur oo ah nooca yaryarka ah    ayuu dagaal xoogan  galabta  ku qabsaday meel u dhexeysa  Tuulada Leego iyo Airoprka Balidogle   ee Gobolka Shabellaha Hoose. Kooxaha Muqaawamada  ayaa la sheegay in ay jidka u galeen baabuurtii  ay wateen Ciidamada Mbghati , kuwaasi oo [...]

Warar isa soo taraya oo ka soo baxaya cidii ka dambeysay dilkii marxuum Cisman Cali Axmad ::

Marxuum Cismaan Cali Axmed oo ahaa Madaxiii Xafiiska UNDP ee Muqdisho ayaa sida Warbixino lagu kalsoonaan karo lagu  helayo  waxaa Dilkiisa ka dambeeyay  Saddex Nin oo ka tirsan Maleeshiyo  dhawaan lagu soo Tababaray  Deegaanka Godey ee Dhulka Soomaalida laga haysto, Saddexdan Nin ayaa sida Warbixintu sheegaysa waxay ka tirsan yihiin Tiro dhan 55 Xubnood oo [...]

Sh,Roobow ayaa yiri xalay markii uu mudo kooban haystay Baidoa waa dhufeyskii ugu dambeeyay ee ay ku jiraan Ciidamada cadawga, sidaas darteedna waxaan mujaahidiinta ugu baaqayaa in ay Baydhabo isugu yimaadaan”

       Al-shabab

Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shir jaraa’id qadka Taleefoonka ugu qabtay Warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay Xoogaggooda ka dambeeyeen Weerarro Madaafiic loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday Magaalada Baydhabo.
Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in weerarka xalay ay ku qaadeen Magaalada Baydhabo ay khasaare ugu geysteen sida uu u yiri [...]