• RSS Somali VOA

    • Dhaqanka iyo Hiddaha # 167 June 19, 2013
      Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha waxa aad todobaadkan ku maqli doontaan qeybtii 2-aad ee Murtida iyo Maahmaaha ay Soomaalidu Dhurwaaga u saariso.
    • Muqdisho: Xafiiska UNDP oo la Weeraray June 19, 2013
      Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii rag hubeysan oo ka tirsan ururka Alshabaab ay weerar ku qaadeen Xarunta Hay'adda UNDP ee magaalada Muqdisho. Daawo (Sawiro+Video)
    • Ururka Taliban oo Xafiis ka Furtay Dalka Qatar June 19, 2013
      Xafiiskan ayaa noqon doona mid ay ku wada hadlaan Maraykanka iyo waliba xukuumadda madaxweyne Xamiid Karzai.
    • Ammuuraha Mareykanka: Xiriirka Iran iyo Mareykanka June 18, 2013
      Barnaamijka Ammuuraha Mareykanka waxaad ku maqli doontaan sida uu noqonayo xiriirka Iran iyo Mareykanka, ka dib doorashadii Hasan Rowhani madaxweynaha cusub ee dalka Iran.
    • Muqdisho: Shirka Dib-u-habeynta Waxbarashada June 18, 2013
      Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir heer qaran ah oo looga arrinsanayo dib-u-habaynta waxbarashada dalka. Shirka ayaa socon doona muddo 3 maalmood ah.
    • Kismaayo: Qarax Lala Eegtay Ciidamada Kenya June 18, 2013
      Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee J. hoose, ayaa sheegaya in qarax lala eegtey gaadiid ay wateen ciidamada Kenya. Dhanka kalena waxaa rag hubeysan ay isla magaalada ku dhaawaceen Yaasiin Raadaar oo ah gudd. ku xigeenka maamulka Axmed Madoobe.
    • Garissa: Suuq Mugdi oo Haddana Gubtay June 18, 2013
      Dad badan ayaa hantidoodii ku waayay kadib markii uu dab ka kacay suuq Mugdi oo ku yaala Degmada Gaarisa, waana markii labaad oo suuqaasi dab gubo
    • AMISOM oo Goobo Cusub ka Qabsatay Al-Shabaab June 17, 2013
      Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo ciidamada dowladda Somalia ayaa maanta kooxda Al-Shabaab kala wareegay degaano ku yaalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
    • Dastuurka oo Dib u Eegis lagu Sameynayo June 17, 2013
      Gud. Guddiga Baarlamaanka ee Dib u Eegista Dastuurka Dr. Maryam Cariif Qaasim, ayaa sheegtay inay guud ahaan wadanka ka bilaabeen wadatashi dadweyne oo ku saabsan dib u eegista dastuurka, hadii ay yihiin qodobo la isku raacsan yahay iyo kuwo kaleba.
    • Dhakhaatiir ka Digtay Dagaal ka Dhaca Somalia June 17, 2013
      Dhakhaatiirta Soomaalida ayaa ka digay dagaallo kale oo dalka ka dhaca, waxayna sheegeen in dagaalladu soo celin karaan barakac hor leh, cunto la’aan iyo xataa macluul.
    • Faaqidaadda Ciyaaraha: Heat iyo Spurs oo Kala Hari la' June 17, 2013
      Barnaamijka Faaqidaadda Ciyaaraha waxaad gabi ahaanba ku maqli doontaan falanqeyn ku saabsan ciyaaraha kama danbeysta ah ee NBA, kuwaasi oo ay ku loolamayaan labada kooxood ee Miami Heat iyo San Antonio Spurs.
    • Qurbe: Dadaalada Jamhuuriga ee Codka Soomaalida Minnesota June 17, 2013
      Barnaamijka Qurbe ee todobaadkan waxa aynu ku eegeynaa dadaalada ay Xisbiga Jamhuuriga ee gobalka Minnesota ku doonayaan inay ku soo jiitaan Soomaalida ku dhaqan gobalkaas si ay cod uga helaan xilliga doorshada ee dalkan Mareykanka.
    • Wareysi ku Saabsan Nin Dabaq iska soo Tuuray June 17, 2013
      Guuleed Maxamed Maxamuud oo Soomaali ah da'diisuna tahay 28 sano, ayaa dhawaan geeriyooday ka dib markii uu iska soo tuuray guri dabaq ah magaalada Florence ee dalka Talyaaniga, sida uu VOA u xaqiijiyey Daahir Cali Jimcaale oo ay qaraabo yihiin.
    • Xildhibaano Lagu Weeraray Xalay Magaalada Nairobi June 17, 2013
      Rag hubeysan ayaa xalay magaalada Nairobi weerar ugu geystay Xildhibaan Cabdullahi Godax Barre, iyo Xildhibaan Cabdiraxman Xoosh Jibrill
    • Soomaali ka Hadlaya Khatarta Tahriibka June 16, 2013
      NInkan oo magaciisa ku soo koobay Aadam, ayaa ka warbixinaya dhibaatadii uu ka soo martay tahriibka iyo in wixii uu ku taamayey uuna weli helin.
    • Wicitaanka: Maxamed Cumar Carte Qaalib June 16, 2013
      Somaliland ayaa toddobaadkan ka codsatay xafiiska siyaasadda QM ee arrimaha Somalia, UNSOM in aanu degaanka ka dhigan karin Somaliland, maaddaama uu arrimaha Somalia ku shaqo leeyahay
    • Masar oo Xiriirkii u Jartay Dalka Suuriya June 16, 2013
      Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi ayaa sheegay in dalkiisu uu xiriirki diblomaasi u jaray xukuumadda Suuriya ee uu Madaxweynaha ka yahay Bashaar Al-Assad
    • Rowxani waa Madaxweynaha Cusub ee Iran June 15, 2013
      Wadaadka qunyar socodka ah ee Xasan Rowxani ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalka Iran, isagoo helay in kabadan 50 boqolkiiba codadka la tiriyay.
    • Caweyska: Fanaanka Cawaale Aadan June 15, 2013
      Barnaamijka Caweyska Washington waxaad ku maqli doontaan Q. 3-aad ee wareysigii fanaanka Cawaale Aadan iyo Sheekooyin xiiso leh.
    • Martida: Danjire Sayid Xasan Shariif June 15, 2013
      Barnaamijka Martida Makarafoonka waxaa todobaadkan marti ku ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofur Afrika Sayid Xasan Shariif. Safiirka ayaa ka jawaabaya su’aalo ku saabsan Soomaalida lagu laayo K/Africa iyo waxay safaaraddu ka qabatay.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 38 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Hadraawi Dhulgariir Gabay


                      hadrawi-1.gif

Axmedow nin dheeraad sitoo dhiibsan baad tahay
Tukalaad u dhaaftaa kolkaad dhaliso tii roone
Dhalintii caleemaha lahayd waygu dheertahay
Dhawr iyo shan dhawr iyo haddana dahwrarba jiraa
Haddaan beegsi kala soo dhexbaxay, tooda meel dhigay
Labadii dhallaanimo lahayd ways dhar urisaa
Berberaawi dhuub iyo ka dhuub waysu dhurannaa
Ilhaamay dhiggaagiyo hablaha dhuude falanqee
Hadduu dhaguxu kala hayb tirsado dheemman baad tahay
Suugaantu waa dhaqan haddana waa sud iyo dhiib
Dhidib iyo lud bay leedihiyo dhaabad iyo meel
Dhuuxuu ka eegaa ninkii dhilan yaqaanaaye
Qofba waa dhankuu ka arko iyo meesha uu dhigo
Dadka dhiiri iyo qawl sanbaa lagu dhacsiiyaa
Sida loo dhahaabu khalqigu ugu dhegtaagaa
Dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo dhuumatiyo sheel
Sida dhuuni qaataha murtida looma dheehtiro
Dhiidhiga nin laasimay hadduu dheegto waa halis
Dheeldheelligaa laga jiraa waa la dherersha
Dhexrooriyo waxa lagu hojaa weliba dhaad dhaad
Dhoomaha waxaa laga xushaa teeda dhumucweyn.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidhehbaa dilay
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi
Iyagaa dharaarba intaan dhaafay sii odhan
Gabaygani dhambaal buu sidaa waayo soo dhaxay
Dhulgariirna waa kii la baxay dhalashadiisii
Dhawdhawda qaadkiyo ka culus dhaan wadaa yidhi
Kana dheer is yeelyeelka iyo ii dheh iyo faan
Qof dhabcaala mooyee nin kale waw dhadhamayaa
Xaajada halkaasaan dhigoo dhaabad baw dihin
In la sii dhaqaajay rabtaa dhaygag badanley
Oo loola dhaadhaco halkay dhuux ka leedahay
Waxaa lumay dhudhumintii runtiyo dheeli tirihii
Inta samaha dhuxulayn kartaa waa dhif iyo kow
Dhalool bay isugu biirtay iyo tii dharjo ahayd
Dhulka wuu ku soo badanayaa baal ku dhooruhu
Dhan-xiiradu haddii ay maqlaan ways dhufanayaan
Sinnaantay dhaliil moodayaan tii ilaah dhigay
Dhinacay ka joogaan sharciga waa dhis foorara
Marka ay dhanaaniga gashiyo dhiibta kala guurka
Dhiillaha nin buuxshaa ma jiro dhacart jiilaal
Dhirin-dhirintu waa shay sanoo lagu dhabriiraa
Hal dhabaalahaa awgaayow tii dhamayd geliye
Hays dhigan nin nooloow hiddadu waysu dhimataa
Hadalkana nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilay
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi
Iyagaa dharaarab intaan dhaafay sii odhan.
Laan dharab ka toostiyo hibooy dhool cas baad tahay
Dhalankaagu waa luulka iyo dhirahay yaaquu
Malaa roob la dhaca waad taqaan dhiinka jookha leh
Dhalankiisa shaygaa gobta ah waad u dhigantaaye
Dhibic iyo cadceed looshan iyo dheel gu’baad tahay
Qurux iyo dheg baad leedihiyo dhaabad iyo sees,
Dherer iyo laf baad leedihiyo dhaygag iyo yaab
Dhebi heeg u baxay baad ka tahay dhoobo jiifyada
Dhul fog baad ka laacdaa sidii dheenta laalida
Ruuxii ku dhawraa si buu kuugu dhegayaa
Dhabeelnimana way kugu jirtaa dhab iyo misaan
Dhiidhiibsigaagiyo haddana dhuda wanaagaaga
Dheehaaga maahee shishaad dhuux u leedahaye,
Dhulka lagama soo qodin dadkee aadan baa dhalay
Adiga iyo hablaa dhinaca kale waysu dhigantaan
Dhud qudhaa ka wadda beeranteen dhaadashada guud
Dhab-dhab baad ku kala leexateen adiyo joog-dheer
Dhawaweylanka waxa kuugu wacan amase dhoohnaanta
Dhab-darrooyinkoodaa qalbigu dhaawac dumayaa
Dhimir bay ku sareen dabool baali kaa dhigay
Dhafoor taabadkoodaa qod-qoday dhabannadaadiiye
Dhaqaaq joogsiggaagiyo wejiga dhaxanta saar-saaran
Dhadhansiga dareenkaa ka culus buuro soo dhacay
Intaad adigu dhiilaysan tahay taydu waa dhicis.
Hadalkana nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilay
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi
Iyagaa dharaarab intaan dhaafay sii odhan.
Dhaf dhaf iyo hal hays beena baa soo dhab dhabateene
Dhugatiyo cad xaaraan ah iyo dhoohan may cunin
Dhamaas lagu takooriyo ma jirin caado dhaaf kale
Dhab cad iyo ma haysaan daliil meel la sii dhigay
Dhaqankaas canbaarayanayaa saaray dhiillada
Labadii hiyiga dheehi jirey way ka dheertahay
Weligood dhibaadada aduun looma soo dhixin
Dhaan dhaano maahee kashaa dhooli dmood tahaye
Intii aad dhisnaydeen iyagu waa dhur sugayeen
Dhufaannimo hagooglay intaas kula dhex joogeene
Dharaar uun in waa kale beryey dhawrayeen abide
Dhegahay intaas la hadlayeen waa dhab may odhan
Dhibaatadana way eegayeen dhaayihii jirey
Cishaday dhanaan tahay haddii laysu dholol fayto
Dhab u dirirka waa lagu yiqiin dhaanto iyo shiishe
Ragg hadduu dhabiiltamo naftay dhigi yqiineene
In kastuu xiniin dhaafyuhuu dhiirinimo sheegto
Mar haddaan dhalliil lagu gudbayn dhgalsho mooyaane
Dareenkiisu wuxuu dhaadayaa hoos in loo dhigay,
Dhar-dhaarray ahaayeen intaa dheri lahaydeene
Dhaddig iyo labkoodaa ka kale dhinacyo taagnaaye
Ninka ay dhisaan baan isagu tooda dhaydhayin
Gudmahay dhabeeyeen ka badan lag iyo dheeraade
Hadday dhigan lahaayeen mid uun maalba may dhaqane
Dhaxalkiisa may soo xarayn dhogorta xoolaaye
Weligood dhalaal subag ah iyo dhaashi may heline
Dhay iyo karuur labada wel dhoosha may geline
Hadday dhami lahaayeen miduun dhiilba may tolanne
Dhegahooda maag baa qabsaday shayna may dhimine
Sibaa loo dhaliilaa haddana ruuxna may dhibine
Dhuyaal iyo kudaal bay damceen dhiigna may galine
Dhulka waa ka sii guuraayaan ruuxna may dhicine
Dhoof bay ku daasteen inay sibiq dhaqaaqaane
Dhalashada nay dooriyaan bay u dhowdahay
Dhagar inay galaan bay damceen dhaarse may marine
Dhaxaan ogsoonaa halyey dhuuntay keligii
Hadalkana nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilay
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi
Iyagaa dharaarab intaan dhaafay sii odhan.
Godka dhidarka beelaha qotow dhowr kal baa hadhaye
Hadduu dhiillo leeyahay dulmigu waad ka dheregteene
Intaad weel manno ah dhaamiseen waa dheg weyntahaye
Dhanihii bad weyntiyo yuryuran waydinkiii dhuraye
Ulihii dharkaynkiyo cayada waydinkii dhilaye
Dhamacdiyo dabkaad quudateen maahadhalanteede
Dhayl maaha maalmaha intaad guulo dhigateene
Sabirkiina dheer iyo xaqaa tiina soo dhicine,
Adduunyada ninkii dhalad yaqaan   waw dhab tiriyaaye
Dhibaatiyo waxaa lagu yaqaan teeda dhinac taale
Markaasay is dhaaf dhaasiaa\ labada dhoomoode
Meel dhowna wuu kula kulmaa kay ka dheertahaye
Meel dheerna way kala taagan kay ku dhowdahaye
Nin xaqiina meel hoos dhigay tiisu waa dhedo,
Xumaantana wanaag baa dhaxlee wayda haw dhimane
Naftu dhaaba dhaabaha hiyiga way ku dhacantaaye
Kol haddii dhabbada loo qorqoro way ku dhilantaaye,
Mar haddii qalbiga ciil dhufasado dhaaftay taladiiye
Sidxa dhooddi meerkii taleex haw dhaqaaqina
Dhirbaaxooyinkii quudhsigaa dhuunta yuurura’e
Haddii dhagar inaad gaysataan laabtu dhigi waydo
Sidaad dhaab u soofaysateen haw dhabaynina
Cishadaad wax dhiilayn kartaan dhaafa tii culus
Dhanka eebahay xiga adduun wayska dhalanteede.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilay
Inaan dhaabbadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaan-dhebi
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan.
Dhab dhabluhu markuu yimi arlada may dhammayn talo
Waatay dhufaannadu khalqiga soo dhex geliyeen
Waa kii dhammaastiyo falkiyo keenay dhallanteede
Waa kii dhibaabada la yimi dheegga dheegaha
Waa kii dhufaysyada qotee dhoombir soo rogaye
Maatay dhankaas iyo dhankaas baahday dhiilladu
Markay dhabaqday waa kii shacbigu soo dhalaashadaye
Waataad dhadhaabtiyo budkiyo dhagaxa boobteene
Gobannimada waa tii dhagdhago dhaanto loo tumaye
Dharaartaana waad wada jirteed dhiiftu kululayde
Waa loo dhammaa maalmihii laysu dhaarsadaye
Hayeeshee ma sii dhugan caqligu teeda dhinac tiille
Dhiilladu halkay weeran tahay looma faal-dhigine
Waa tii la dhaawacay markay dhalatay guushiiye
Weligeed dhan baa qaawanaa dhidibadeediiye
Xaajadu intay dhowdahay dhaymo leedahaye
Shinkeedii markay dhaaftay bay keentay dhabandheebe
Dhab-darro uma tgoosine nabsigu wuu dharaarsadaye,
Dhacan baa la saaraa halkuu eel ka dhowdahaye
Markaasay dhurwaagiyo colkiyo dhawrta celisaa
Nin dhug lihiba wuu garanayaa suul dhabaalaha
Dhabbadaad u xaadheen ninkii soo dhus layn jiraye
Dhextaalkeeda goortuu hubsaday soo dhabacateeye
Dhalliilaha markuu sahansaduu meel ka soo dhacaye
Dhawaaq toosiyow baxay lugtii dhaaftay jeeniga
Waa kaas dhaqaaliyo hub iyo dhoof u soo helay
Dhuxul hoos ka nool iyo dabbaa soo dhabiib kici
Dhacadiidka xaajada gashiyo dhabano hayskeeda
Markii aan dhab deyey baan is idhi dhacanta sii saare
Af dhabaan-dhabkeedii haddana waan ku dhiiradaye
Dhanbaalkii digiintaan is idhi caawa yuu dhixine,
Dheehda rashiidow mar baan neefka loo dhigine
Magaceeda oo laba kordhaban yey dhawelantaa
Marka dhiilka lala hoos galay meelo dhugtaaye,
Ummadyahay dhabbaa loo hadlaa waa is dhigateene
Dulmigii lafaa dhuuxaybaad dib-u-dhar-dhaarteene
Ummad baad xaqeedii dhammaa dhababka saarteen
Gunaadkii naftii weli ma dhigin waase dhiig baxaye
Garaadkiinu waa dhaafsan yahay dhiilka buuxsamaye
Maantana waxaa idin dhex taal tii dib loo dhigaye
Caaway u dhowdahay haddaa dhugasho siisaane
Haddaan dhaymo loo helin xujada mooyi tii dhici.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilay
Inaan dhaabbadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaan-dhebi
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan.
Dhillow yahaynku waa geed ka baxa dhuunta geed kale’e
Iminkuu dhabbada soo hayaa dhaankii reer Yurube
Nin kaastoo is dhoob-dhoobi jiray dhigaha loo laabye
Dheweraad hadday kala lahayd laysu soo dhuraye
Markii dhuuni loo rogay arlada dhoorku wada daalye
Dhalliinyaradu way dayriyeen dhalashadoodiiye
Waa taa ninkii dhowrsanaa qaad ku soo dhacaye
Waa taa dhabeeshii hiddaha dhaylo loo dubaye
Dhuuq-dhuuqlayaashii batiyo heen dhalaashuhu
Dheribay wada foortaa diidan dhaqankii
Dhaddigiyo labkeedii waqtigudhaal isugu keen
Ummaddii dhiraa kala lahayd ways dhex hurudda
Dheg dhegiyo lafaa dhuubtay iyo dhogor xumaantooda
Qaraamaad markay wada dhantaa dheehu doorasamay
Hadday dhoojo wada yeelatiyo dhiico iyo tuure
Haddii dhawrasaan lagu yiqiin dhimay hankeedii.
Dhibaatada xilkeedii horaa ugu dhabcaasheene
Maantana sidii dhagax dixeed hawgu sii dhegin
Inta shay la dhawrtiyo haddaan diinta kugu dhaarsho
Haddaan dhaar carriyo caaggan iyo dhaar cas kugu dhaarsho
Inta gabay dhaf leeyahay haddaan kaaga dhira fuulo
Haddaan dhaho haddaan dhigo haddaan weli dhiib-dhiibo
Anigoon wax kuu dhimin haddaan dhegaha kuu buuxsho
Dhaq-dhaqaaqa ma kaa iman karaa dhiillo lagu baajiyo.
Dhabtuun baa khalqigu diidayaa meesha dheer tegaye
Dhulgariirka waa laga baqaa waayo soo dhaxaye
La dhex joogi mayo arlada dheelmashow qorane
Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal dhiilka aakhiro
Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahaye.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 38 other followers

%d bloggers like this: