• RSS Somali VOA

    • Diyaarad Rakaab ah oo ku Burburtay Mali July 24, 2014
      Diyaarad ay leedahay shirkadda Air Algerie ee dalka Algeria ayaa ku burburtay waqooyiga Mali. Madaxweynaha Mali Ibrahim Keita ayaa sheegay in burburkii diyaaradda laga helay waqooyi-galbeed ee dalkaasi. Diyaaradan ayaa sidday 116 qof.
    • Warbixin: Ciidamada Gaarka ah ee Gaashaan iyo Danab July 24, 2014
      Mas'uukiyiinta Soomaalida ayaa markii ugu horreeyey ka hadlay jiritaanka ciidamada gaarka ah ee Gaashaan oo hawlgallada khaaska ah sameeya. Waxaa kale aan faahfahain ka helnay ciidamada kumaandowska ah ee Danab.
    • Saado Cali oo Aas Qaran loo Sameeyay July 24, 2014
      Fanaanada Saado Cali Warsame oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho. Saado Cali ayaa lagu aasay qabuuro ku dhexyaalla cisbitaalka Medina.
    • Dil Lagu Fuliyay Dhallinyaro Ka Tirsan al-Shabaab July 24, 2014
      Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta (07/24/2014) xukun dil ah ku fulisay afar qof oo ay horay maxkamaddu xukun dil ah ugu ridday, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab. Afarta qof ayaa lagu eedeeyay inay galeen dabmiyo kala duwan oo isugu jira dil, qarxin, iyo abaabul dil, waxaana ku jiray Caawiye Axmed Jaamac oo ka danbe […]
    • Warbixinno: Geerida Xildhibaan Saado Cali July 23, 2014
      Allaha u naxariistee Fanaanada Saado Cali Wasame oo ka tirsaneyd baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. Dilka fanaanada waxaa sheegtay ururka alShabaab. Fanaanada ayaa isla maanta lagu aasay Muqdisho.
    • Saado Cali oo Maanta Muqdisho Lagu Dilay July 23, 2014
      Allah u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dilay fanaanadda Somaliyeed ee caanka ah Saado Cali Warsame, isla markaana aheyd Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soamaaliya.
    • Gaza: Dadaal loogu Jiro in Xabbada lagu Joojiyo July 23, 2014
      Wadahadalo ayaa xalay oo dhan socday si loo gaaro xabbad joojin dhexmarta Israel iyo Falastiiniyinta ku sugan marinka Gaza ee uu ururka Xamaas maamulo, iyada oo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry iyo XGQM Ban Ki-moon ayaa labaduba gobolka ku sugan yihiin.
    • Maraakiibtii Somalia oo Yemeni lagu Wareejiyay July 22, 2014
      Maxkamad ku taalla Yemen ayaa si rasmi ah ugu wareejisey nin ganacsade Yemeni ah saddex markab oo ay horey u lahayd dowladda Somalia oo ku sugnaa Yemen. Ninkan ayaa maraakiibta ku leh lacag deyn ah oo gaaraysa 2 Malyuun oo Dollar.
    • Shirkadaha Isgaarsiinta oo Khadadka Isku Furay July 22, 2014
      Shirkadaha Isgaarsiinta ee ugu weyn Koonfurta Soomaaliya ayaa ku heshiiyey inay isku furaan khadadka telefoonnada taasi oo durba dhaqangashay.
    • Jilib: Saldhigyada Shabaab oo la Weerary July 22, 2014
      Wararka ka imanaya magaalada Jilib ayaa sheegaya in laba diyaaradood oo loo malaynayo inay yiin kuwa dawladda Kenya ay duqeeyeen laba saldhig oo ay leeyiiin al-Shabab oo u dhow magaalada Jilib.
    • Fallaagada Ukraine oo Wareejiyey Meydadka MH17 July 22, 2014
      Fallaagada Ukraine ayaa wareejiyay meydadka dadkii ku dhintey diyaaraddii Malaysia ee ku burburtey Ukraine. Tareen siday maydadkan ayaa gaarey magaalada ay dowladda Ukraine maamusho ee Kharkiv ee bariga Ukraine.
    • Ajaanib Lagu Laayey Afghanistan July 22, 2014
      Nin isa soo miidaamiyey ayaa diley ugu yaraan afar qof oo shisheeye ah , isla markaana dhaawacay lix kale weerar ka dhacy xero ku taalla magaalada Kabul.
    • Widodo oo ku Guuleystay Doorashadii Indonesia July 22, 2014
      Natiijooyinka rasmiga ah ee doorashadii madaxtinimada Indonesia ayaa muujinaya in badhasaabkii hore ee gobolka Jakarta Joko Widodo uu ka adkaaday General Prabowo Subianto.Joko Widodo ayaa helay 53% codadkii doorashadii dhacday 9kii bishan July.
    • USA, UN oo Dadaal ugu Jira Xalinta Dagaalka Gaza July 22, 2014
      Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa wada kulamo ay la yeelanayaan mas’uuliyiinta Bariga Dhexe kuwaas oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Israel iyo Xamaas.
    • Ukraine iyo Baaritaanka Diyaaradda Malaysia July 21, 2014
      Raiisul Wasaaraha Ukraine Arseniy Yatsenyuk ayaa ku yaboohay inuu hoggaanka baaritaanka la xiriira diyaaraddii la soo riday ee Malaysia ku wareejiyo dalka Netherlands oo ah waddanka ay dadka ugu badan kaga dhinteen masiibadaasi.
    • UN: Xabadda ha la Joojiyo Gaza July 21, 2014
      Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqey xabbad joojin degdeg ah oo ka dhaqangasha Marinka Gaza
    • Dagaal Xooggan oo ka Socda Garoonka Tripoli July 21, 2014
      Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu diley dagaal xooggan oo ka dhashey gacan ku haynta garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada, kadib markii ay burburtey xabbad joojin laba maalmood socotey oo la doonayay in xiisadahaasi lagu qaboojiyo.
    • Faaqidaadda Ciyaaraha: Maxamed X. Cawad July 21, 2014
      Barnaamijka Faaqidaadda Ciyaaraha ee Toddobaadkan waxan kaga hadlaynaa ciyaaryahan naafo ah oo u ciyaara kooxda Hokey-ga ee Ottowa ee dalka Canada
    • Kerry: Russia ayaa ku Lug leh Burburkii Dayuuradda July 21, 2014
      Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa cambaareeyey dalka Russia, isaga oo sheegay inay jiraan caddeymo muuqda oo la xiriirta ku-lug-lahaanshaha burburka dayuuradda
    • Wareysi: Burburka Diyaaradda Malaysia July 20, 2014
      Saraakiisha wasaaradda arrimaha degdegga ee bariga Ukraine ayaa sheegay in meydad gaaraya 196 laga soo qaadey goobta ay ku burburtey diyaaraddii rakaabka ee ay lahayd Malaysia.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 42 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Abwaan Abshir Bacadle Gabay Cusub OO Xiiso ‘Badan


Abwaan Bacadle oo Shirib cusub Afar goobood iyo bar (4.5) ka soo uruuriyay
(Waa Sheekh Shariif-ya Shuuradii iyo shabaabki sheeganaay)

         

intana ka dhageyso gabay kale oo uu bacadle ka tiriyay xaalka xamar

Dhageyso

Goobtii 1-aad

A:- Siyuum Masfin ma sow Rabaa, Sagaal Abgaal ku saacideen.

B:- Wixii Sabcaayey Saaxibow, Sacad iyo suul hartow badnaay.

C:- Walax la soocoo suntanaay , Sagaal Abgaal u saari maa

A:- Sayuun Masfin Sali uu fidshaa, waa siryo safar Macsiyeed

B:- Sowdkoo dhan waa la sajilee, Saxiixayaalku waa siyeedC:- Nin soo Soohdintiini suntadoo, saxiix rabaa ku saacideen.

A:- Salaaxaan iyo Soohdintaan, Waxaad saxiixdeen sedex Joor.

B:- Sowd Beena lama Suubsadee, bal ii sifee Sedexda Joor.?

A:- Saban Talyaanigii iyo, Salaad Gabeyriyo Yunusom.

A:- Salaad Gabeyre yaa Suntoo Siyaad u Dhiibay Saq dhexaad.?

Goobtii 2-aad

A:- Aleylehe Axmed Diiriyow, Afhayeen waa astaahishaa.

B:- Axmed Ragaa ku aadanoo, Shirkaan abaabulee ogaaw.

A:- Inkirimaayi arinkaas adaana ugu Owr-sanaay.

B:- Isim ka sheeg Abgaal Cusmaan, aan Sheekh Cabdi Iimaan eheen?A:- Aftahan Abdullaahi Shiikh, aqoonyahankii Geedi Owr.

B:- Amiiradaaynii SSA, ma waadan Abshirow aqoon.

A:- SSA iyo SNA Ma aqbalaan Axkaamu diin.

B:- Imaamyadii iyo reer Ugaas Waxaa aqbalay Geedi Owr.

A:- Adyaa ku baray Geedi Owr Adeege Daa’uud maa eheed

Goobtii 3-aad waxaa is weydaarsanaya maxaakiimtii iyo meel ku gaarka

Max:- Haddey Tigreegu kaa tagaan tatoonyadeena waa taqaan

KMG:- Tegi maayaan intaan talaa amase leydin tir tiraa

Max:- Waxaa Tigree ku tashatiin Inaan tumaatiyey tegee

KMG:- Tigree iyo Taangi waa tolkeey idinse waa I toogateen

Max:- Timir kastaa lafaa dhex taal Tigreena deked waa tabee

KMG:- Tigreegaan leyga taabamaa intaan ka tabareysahaa

Max:- Ma taada kulalihiyaa Teydana leyga taaban maa

KMG:- Adna tawakal Calalaah ana Tigreeya Taangigaan

Max:- Taariikh madowya towbad seeg Tigreena beriyow tegaa

KMG:- Talada Tigree kuuma taal Taruurixi tuuryo nacaseed

Max:- Tigree iyo Taangi waa tageen Taariikh madowse tirmi mee

Goobtii 4-aad, waa hogaamiye kooxeedyada

A:- Habaar aruurayaa heloo hogaamiye kooxeedyo waa hereen

B:- hogaamiyeyaalkii halgankaan kan u habaaran (H) ku sheeg.?

A:- Anow horeeyey Heer habaar ninkii ku hadlay waa heshaa

B:- Halkaanu heyb kalow galaa Heer madmadoobe (H) ku sheeg.?

A:- Hal haadiyo hal heybihaa iyo hal hundhurey naqdeen

B:- Hal gankii haaman dhiig ahaay Mo how ku hoobtay (H) ku sheeg.?

A:- Ha igu sheegin halgankaas Hal odayaa ka soo hereee

B:- Halkaana wax yarow heree hogaanka rag ma loo hayaa.?

A:- Hogaanka duul hanuunsanoo Kutaabka heystaa loo hayaa

Barkii 5-aad

 A:- Waa Sheekh Shariif-ya Shuuradii iyo shabaabki sheeganaayB:- Sidaa u sheegtay Shaabad saar Hal shaqsi la shareysamaa 

 

2 Responses

  1. [...] Abwaan Abshir Bacadle Gabay Cusub OO Xiiso ‘Badan March 2007 3 [...]

  2. Asc w w weynu araknay waxi horay u tagay o shirib ama gabaya ah balse waxeynu dooneyna al shabaab iyo dowlada shariif

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 42 other followers

%d bloggers like this: